- Dhamaan taariikhda dalal badani waxa ku dhacay guuldaro dhinaca dhaqanka ah, laakiin taasi maaha calaamadda dhammaadkii qarankaasi. Marka waddanku uu noqdo dhibbane ay asiibtay guuldaro maskaxeed, taasi ayaa tilmaamaysaa ama muujinays dhamaadka waddan ama Qaran” .
- “ Ku dayashada khariban ee dadkii hore maaha inay iyagu soo noolaadeen laakiin waxay ka dhigan tahay inay kuwa nooli dhinteen”
“ Wakhtig tegay iyo mustaqbalku waxay isugu eeg yihiin si ka badan siday isu eeg yihiin dhibcaha roobka”. Waa Xikmadaha caalimka Abu-Zaid, A/rahman Ibnu Khaldun.
- Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatadu kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keliya ayaa naftaada joojin kara oo dib u dhigi kara.
- Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay banaanka soo dhigaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah ma xamili karaan mana aqbali karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad sameynayso.
- Marnaba si xeeldheer ha uga fakirin wixi tagay, waxay sababta murugo. Aadn ha uga mashquulin mustaqbalka, waxay kuu keenaysaa welwel iyo cabsi. Ugu noolow Maantadan adigoo dhoolacadeynaya, waxay kuu keenaysaa Farxad iyo Rayn-rayn.
- Marka Maskaxda iyo jidhka qofku daciif yahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato, wakhtiga maskaxda iyo muuqaalka jidhka qofku xoogan yahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad.

























