Taageerayaasha Arsenal Oo Si Aan Hore Loo Arag Uga Falceliyay Hadalkii Suárez Ee Ka Dhanka Ahaa Gyökeres!

0
146

Weeraryahankii hore ee Uruguay Luis Suárez ayaa dab ka dhex shiday taageerayaasha Arsenal kadib markii uu si foolxun uga hadlay weeraryahanka cusub ee kooxda, Viktor Gyökeres. Suárez ayaa la sheegay inuu shaki geliyay awoodda Gyökeres ee heerka Premier League, isagoo dhaliilay bandhiggiisa bilowga adag.

“Suárez oo aflagaadeeyay awoodda Gyökeres”

Intii lagu guda jiray falanqeyn ciyaareed, Suárez ayaa la sheegay inuu sheegay in Gyökeres aannu laheyn dhaq-dhaqaaq iyo go’aan qaadasho degdeg ah oo premier league looga baahan yahay, isagoo tusaale u soo qaatay “Orod gaabnidiisa” Hadalkan ayaa si weyn u taabtay taageerayaasha Arsenal, kuwaas oo si caro leh uga falceliyay baraha bulshada.

Falcelinta Twitter-ka: Taageerayaasha Arsenal oo jawaab kulul bixiyay qaar ka mid ah jawaabaha taageerayaasha ee Twitter-ka ayaa ahaa:

  1. @GoonerForever:“Suárez xadkiisa ayuu dhaafay. Victor kaliya wuxuu u baahan yahay waqti— ugu yaraan ciyaartoyda kasoo hor jeeda ma qaniino mana la caytamo. ”
  2. @NorthBankRed: “Luis waa ‘Sun’ aan waxba ka ogeyn ixtiraamka. Gyökeres wuu dadaalayaa—ma rabno inaan dhegeysanno sunta uu faafinayo weeraryahan duqoobay oo horey loo illaabay.”
  3. @ArsenalAnalyst: “Dhaliil waa la sameyn karaa, balse hadalka Suárez wuxuu ahaa mid aflagaado ah. Gyökeres wuxuu mudan yahay dulqaad, kadib 87 gool oo uu u dhaliyay Sporting laba xilli ciyaareed gudahood.”
  4. @EmiratesEdge:“Xusuus: waxyaabaha ugu caansan ee Suárez lagu xasuusto waa qaniinyo iyo muran. Ha na tusina ‘falanqeeye noocan ah’—Gyökeres waa mustaqbalka Gunners”

Inkasta oo uu ku billowday si adag—sida bandhiggiisa hoose ee kulankii Arsenal 1-0 kagu garaacay Anfield—Gyökeres ayaa weli kaalin muhiim ah ku leh qorshaha Mikel Arteta. Waxaana taageerayaashu sugayaan inuu foomkiisa dib u soo ceshado kulamada soo socda ee Nottingham Forest iyo Athletic Bilbao.

Suárez hadalkiisu ma noqon doonaa buuq la iska illoobo mise dhiirrigelin uu ku sameeyo soo laabasho weyn? Waqtiga ayaa sheegi doona.