Liverpool ayaa markale jebisay rikoodhka suuqa Ingiriiska kadib markii ay dhammeystirtay saxeexa weeraryahankii Newcastle United, Alexander Isak, oo ku kacay £125m. Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa horraantii xagaagan rikoodhka ku jebisay saxeexii Florian Wirtz oo £116m kaga yimid Bayer Leverkusen. Ka hor inta aan la gaadhin xagaagan, waxaa kaliya afar jeer la dhaafay £100m gudaha Premier League.
Liiska saxeexyada ugu qaalisan ee Premier League:
Alexander Isak – Newcastle → Liverpool (£125m)
Florian Wirtz – Leverkusen → Liverpool (£116m)
Moises Caicedo – Brighton → Chelsea (£115m)
Enzo Fernandez – Benfica → Chelsea (£106.5m)
Declan Rice – West Ham → Arsenal (£105m)
Jack Grealish – Aston Villa → Man City (£100m)
Romelu Lukaku – Inter Milan → Chelsea (£97.5m)
Liverpool ayaa sidaas ku noqotay kooxda ugu firfircoon suuqa xagaagan, iyadoo laba jeer jebisay rikoodhka taariikhiga ah ee Premier League.

























