Barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan donaa, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sii xoojinaysa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalka, iyadoo si joogto ah dib-u-eegis ugu samaynaysa mashaariicda muhiimka ah sida Mashruuca Damal Caafimaad.
Wasiirka Wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa shir guddoomiyay kulan dib-u-eegis ah oo lagu qiimeeyay wajigii koowaad ee mashruuca Damal Caafimaad.
Kulankan oo ay ka qayb galeen madaxda wasaaradda iyo hay’adda fulisa mashruuca (Alight), ayaa lagu falanqeeyay waxqabadka la gaadhay, isbeddellada lagu sameeyay xarumaha caafimaadka, iyo dardargelinta adeegyada caafimaad.
Dr. Xuseen waxa uu ku booriyay dhammaan dhinacyada ku hawlan mashruuca inay sii xoojiyaan dadaalka si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, oo bulshadu si fudud ku heli karto.
Daryeelka Caafimaadka Maanka oo La-dardargelinayo
Waaxda Caafimaadka Maanka ee wasaaradda caafimaadka JSL, ayaa qabatay kulan saddex-biloodle ah oo lagaga wada hadlay horumarinta caafimaadka dhimirka.
Kulankan waxaa ka qayb galay daneeyayaasha waaweyn ee arrimaha caafimaadka maanka, oo ay ka mid yihiin WHO, IOM, iyo hay’ado kale.
Kulanka waxaa lagu gorfeeyay.
Sida loo horumarin karo adeegyada caafimaadka dhimirka
Wada shaqaynta hay’adaha.
Diyaargarowga xuska Maalinta Caafimaadka Maanka Adduunka ee 10-ka October.
Agaasimaha Waaxda Maanka, Dr. Yacquub Aadan Cabdi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo adeegyo la gaadhi karo, laguna kalsoonaan karo.
Tababar ku saabsan Maamulka Sahayda Caafimaadka
Wasaaradda iyo hay’adda UNFPA ayaa wada qabtay tababar socday 11 maalmood, oo lagu baranayey.
Tayeynta xogta sahayda (LMIS), maareynta keydka dawooyinka, hababka kaydinta iyo maaraynta agabka caafimaadka.
Tababarkan waxaa ka qayb galay shaqaale ka kala socday cisbitaallada, kaydka dawooyinka iyo qaybaha caafimaadka taranka.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa xidhitaankii tababarka ku bogaadiyay dadaalka ka qaybgalayaasha, isagoo xusay in tababarku uu door muhiim ah ka qaadan doono helista sahay caafimaad oo joogto ah.
Digniin Caafimaad iyo Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah
Wasaaraddu waxay si firfircoon uga jawaabtay xaalado caafimaad oo laga soo sheegay gobollada Sanaag (Badhan) iyo Selal, halkaas oo laga helay, kiisas looga shakisan yahay cudurka gawracatada (possibly diphtheria), iyo xanuunno shuban ah oo ka dhashay roobabkii u dambeeyay.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac waxa uu sheegay in kooxo caafimaad oo degdeg ah la diray, si loola tacaalo xaaladaha, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay la socdaan wararka rasmiga ah ee wasaaradda kana fogaadaan warar aan la xaqiijin.
Gaba-gabadii wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxay si buuxda uga go’an horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, iyada oo si dhow ula shaqaynaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Nuxurka Barnaamijkeena toddobaadkan.
Barnaamijkani waxa uu ka tarjumayaa dadaallada ballaadhan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, iyada oo xoogga saareysa.
Qiimaynta iyo dardargelinta mashruuca Damal Caafimaad, si loo hubiyo in adeegyo caafimaad oo tayo leh ay ugaadhaan bulshada, horumarinta caafimaadka maskaxda (maanka) iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha, lana diyaarinayo xuska maalinta caafimaadka maanka, kordhinta tayada maamulka sahayda caafimaadka si loo hubiyo in dawooyin iyo qalab caafimaad joogto ah loogu helo xarumaha, ka jawaabista degdegga ah ee xaaladaha caafimaad sida cudurrada faafa ee laga helay gobollada qaar, kormeerka, qiimeynta iyo wada shaqeynta gudaha wasaaradda si loo hubiyo habsami u socodka shaqooyinka.
Fariinta Barnaamijka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa ka go’an in ay si hufan, tayo leh oo la gaadhi karo bulshada ugu fidiso adeegyo caafimaad, laga bilaabo daaweynka jidhka ilaa daryeelka maskaxda, iyadoo si joogto ah ula socota xaaladaha degdegga ah, u tababaraysa shaqaalaha, ugana shaqaynaysa caafimaad bulsho oo waara.
Gunaanad:
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxay si cad u muujisay in ay ka go’an tahay horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, iyadoo xoogga saareysa adeegyo caafimaad oo la heli karo, tayo leh, kuna saleysan baahida dhabta ah ee bulshada. Barnaamijka Damal Caafimaad iyo dadaallada kale ee joogtada ah sida horumarinta caafimaadka dhimirka, tayeynta sahayda dawooyinka, iyo ka-jawaabista xaaladaha degdegga ah, waxay dhammaantood ka tarjumayaan aragti fog iyo qorshe cad oo loo marayo horumar waara oo caafimaad.
Wasaaraddu waxay si joogto ah ugu hawlan tahay sidii caafimaadka loogu dari lahaa qorshaha guud ee horumarka dalka, iyadoo bulshada u horseedaysa nolol caafimaad leh oo ay ku jirto daryeel buuxa.

























