Magaalooyinka Gabiley iyo Jabuuti oo wadajir u horumarinaya Ciyaaraha, Caafimaadka iyo Waxbarashada

0
275

 

Xubinta labaad ee barnaamijkeena dowladdaha hoose ee tobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, maayarka Caasimadda Dalka Jabuuti, Mudane Siciid Daaud Maxamed, ayaa  booqasho rasmi ah ku tagey  magaalada Gabiley, isagoo wafti uu hoggaaminayo.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana si sharaf leh u qaabilay Maayarka Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad).

Soo dhaweynta Maayarka Jabuuti ayaa waxaa qayb libaax leh ka qaatay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley, Xoghayaha fulinta dawladda hoose iyo Maamulaha Maktabadda Qaranka ee Gabiley, taasoo muujisay heerka wanaagsan ee iskaashiga labada dhinac.

Booqashadan waxay astaan u tahay xidhiidhka walaaltinimo, is-dhexgalka bulsho iyo wada shaqeynta dowladaha hoose ee labada magaalo-madax, Gabiley iyo Jabuuti.

Dhanka kale Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), ayaa si rasmi ah u furay Horyaalka Kooxaha Kubadda Cagta ee Heerka 1-aad ee Gabiley, munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Maayar ku xigeenka Gabiley Dr. Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi iyo Xildhibaan Axmed Weli Khaliif, iyagoo dhiirrigelin u muujiyay dhallinyarada ciyaartoyda ah.

Geesta kale Maayarka Gabiley ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la qaatay Bahda Caafimaadka Gobolka, oo ay ka mid ahaayeen agaasimayaasha cisbitaallada Gabiley, Wajaale, Arabsiyo, Kalabaydh, iyo cisbitaalka Maanka, iyo sidoo kale guddoomiyayaasha xanaanooyinka iyo madaxa caafimaadka degmada.

Kulankan oo uu wehelinayay Maayar kuxigeenka iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka ee gobolka.

Magaalada Gabiley ayaa sidoo kale si rasmi ah looga daahfuray Ololaha Dib Ugu Noqoshada Goobaha Waxbarashada ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026-ka, munaasabaddan oo ay ka soo qayb galeen Maayarka Gabiley, Badhasaabka ku-xigeenka, guddoomiyeyaasha Waxbarashada iyo waalidiin ayaa lagu dhiirrigeliyay ardayda inay si firfircoon ugu laabtaan fasalladooda, si loo xoojiyo tayada waxbarashada ee gobolka.

Nuxurka xubinta labaad ee barnaamijkeena dowladda hoose, waa xoojinta iskaashiga iyo horumarinta dowladaha hoose iyada oo loo marayo, iskaashi iyo wada shaqeyn dhex mara dowladaha hoose ee Gabiley iyo Jabuuti, si loo kobciyo maamul wanaagga iyo horumarinta adeegyada bulshada, horumarinta ciyaaraha iyo dhallinyarada iyadoo la taageerayo horyaalka kubadda cagta si loo dhiirrigeliyo isdhexgalka iyo fayo-qabka bulshada, adkeynta adeegyada caafimaadka iyada oo la horumarinayo cisbitaallada iyo xarumaha caafimaadka si shacabka looga helo adeeg tayo leh, kordhinta tayada waxbarashada iyo dhiirrigelinta ardayda inay si firfircoon ugu laabtaan dugsiyada, iyadoo la taageerayo ololaha dib-u-noqoshada goobaha waxbarashada.

Barnaamijku waa mid ka turjumaya horumarinta dhinacyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo isdhexgalka, isagoo kor u qaadaya tayada nolosha dadka degaanka.