Somaliland oo gashay marxaladda cusub oo diirrada lagu saarayo dowlad-dhiska iyo maamul-wanaagga:
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo muujinaysa billowga marxalad cusub oo horumareed, taas oo lagu wajahayo isbeddel qoto dheer oo ku saabsan hannaanka adeeg-bixinta ee hay’adaha dawliga ah. Ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan ayaa ah in la xaqiijiyo in adeegyada dawladdu ay si dhab ah u gaadhaan muwaadin kasta, meel kasta oo uu ku sugan yahay.
Barnaamijkan cusub wuxuu si gaar ah u diirradda u saarayaa xoojinta maamul-wanaagga iyo adeeg-daadejinta, si kor loogu qaado hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo helitaanka adeegyo cadaalad ku dhisan. Tani waa qayb ka mid ah dadaallada Xukuumadda Somaliland ee lagu dhisayo hay’ado dawladeed oo casri ah, isla markaana si dhab ah ugu shaqaynaya muwaadiniinta meel kasta oo ay ku noolyihiin.
Daahfurka Daraasadda Adeeg-daadejinta:
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa si rasmi ah u daahfurtay September 06, 2025, daraasad qaran oo lagu sahaminayo adeeg-daadejinta wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda. Munaasabadda daahfurka daraasaddan ayaa noqotay mid si weyn loogu bogaadiyay hay’adda shaqaalaha Dawladda, iyadoo muujisay wadajir, hufnaan iyo dadaal siyaasadeed oo ku jihaysan horumarinta maamulka iyo adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo ay weheliyaan Guddiga Hay’adda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda shaqaalaha dawladda, ayaa hoggaaminayey furitaanka barnaamijkan. Waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday wasaaradaha Ganacsiga, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka, iyo Taliska Socdaalka.
Himilo Qeexan oo Qaran:
Barnaamijkani wuxuu hiigsanayaa in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu deegaanka uu ku noolyahay si sahal ah uga helo adeegyada muhiimka ah, sida caafimaadka, waxbarashada, shaqada, diiwaangelinta, shahaadooyinka, liisamada gaadiidka iyo ganacsiga iyo kaadhadhka dhalashada, halkii uu safar dheer ugu bixi lahaa caasimadda dalka, ama xarumaha dhexe ee dawladda.
Himiladu waa in la yareeyo fogaanta iyo caqabadaha adeeg-bixinta dawladda ee ay la kulmaan bulshada reer Somaliland ee deegaanada fog fog, isla markaana la suurtageliyo in adeegyo tayo leh laga helo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, gaar ahaan meelaha durugsan ee aan si buuxda u helin adeegyo dawladeed.
Somaliland oo Qaaday Jihada Dawlad Casri ah:
Isbeddelkan cusub wuxuu ka tarjumayaa aragti fog oo ku saabsan dawlad-dhisidda casriga ah, isla markaana si hufan ugu adeegta shacabka, kana jawaabta baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Somaliland oo muddo dheer ku tiirsanayd hannaan adeeg-bixineed oo xarumaha dhexe ku urursanaa, ayaa hadda si geesinimo leh u qaaday waddada maamul-daadejinta, taas oo ah tallaabo muhiim u ah dhismaha nidaam dawladeed oo bulshadiisa ugu adeega si siman oo caddaalad ku dhisan.
Bilowga Isbeddelka: Daraasadda Horumarinta Adeeg Daadejinta JSL:
Barnaamijkan istiraatiijiga ah waxaa lagu dhisay cilmi, qorshe fog iyo xog ururin dhab ah. Daraasaddan ayaa lagu bilaabayaa gobollada Togdheer, Awdal iyo Sanaag, iyadoo markii ugu horraysay si toos ah looga hirgeliyay gobolka Togdheer, halkaas oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, si rasmi ah uga dhagax dhigay bilowga mashruucan.
Sidoo kale, daahfurkan ayaa lagu soo bandhigay bilowga daraasada oo lagu ogaanayo adeegyadda muhiimka ah ee la rabo in loo daadejiyo gobollada iyo degmooyinka dalka. Ujeedadu waa in laga helo xog sax ah oo lagu dhisi karo istiraatijiyad wax-ku-ool ah, taasoo horseedi doonta isbeddel muuqda oo ku yimaadda helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee dawladda.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa si qoto dheer uga waramay ujeedada barnaamijkan adeeg-daadejinta iyo sida ay Hay’adda shaqaalaha uga go’an tahay in si dhab ah loo hirgeliyo barnaamijkan. Sidoo kale wuxuu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi, ay diyaar u tahay in muwaadiniinta Somaliland ay adeegyada dawliga ah si sahlan uga helaan gobolladooda iyo degmooyinkooda.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Inaga oo ka duulayna baahida loo qabo in adeegyada dawladda la daadejiyo oo la gaadhsiiyo deegaannada ay dadku uga baahan yihiin, waxaan dooneynaa in barnaamijkani noqdo mid si dhab ah u hirgala, iyada oo barnaamijkani uu runtii yahay himilada Madaxweynaha Somaliland ee ah in muwaadiniintu adeegyada dawliga ah ay uga helaan deegaannadooda iyo degmooyinkooda. Wax walba habeen laguma wada dhiso, balse tallaabo tallaabo ayaa loo qaadaa. Sidaas darteed, waxaan isku dayi doonaa inta sanadka ka hadhay in xarunta uu Madaxweynuhu dhagax dhigay ee gobolka Togdheer laga hirgeliyo adeegyadan oo si toos ah looga helo xaruntaas bixinta adeegyada la daadejinayo.”
Kalsooni iyo Ka-qaybgal Bulsho:
Mid ka mid ah natiijooyinka la filayo in laga dhaxlo barnaamijkan waa sare u kaca kalsoonida shacabka ee hay’adaha dawladda. Marka adeegyada la geeyo tuulo kasta iyo xaafad kasta, bulshada ayaa si toos ah uga qayb qaadanaysa maamulka, waxayna dareemayaan in baahidooda la fahmayo lana tixgelinayo.
Tusaalaha Laga Baran Karo:
Go’aanka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu qaadatay wuxuu tusaale cad u yahay in isbeddel dhab ah la gaadhi karo marka ay jirto aragti fog, hufnaan maamul iyo rabitaan siyaasadeed. Waa tusaale ay dalal badan oo ku jira halkan horumarineed ay ka baran karaan Somaliland.
Somaliland-na waxay haysataa fursad taariikhi ah oo ay ku muujin karto sida xasilloonida siyaasadeed iyo qorsheynta xeel-dheer ay u horseedi karaan horumar la taaban karo oo gaadha dhammaan bulshadeeda, dawlad aan dadkeeda ka fogeyn, balse u dhow oo u damqanaysa.






















