Hanjabaadiii Adkayd Iyo Lo’adii Calanka Sidatay!

0
106

Taariikh ahaan, xidhiidhka Hindiya iyo Pakistan waxaa soo maray dagaallo iyo khilaafyo hubeysan oo badan, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin a dagaalkii Indo-Pakistan ee dhacay sanadkii 1971-kii.

Arrinta Kashmir waa qodobka ugu weyn ee muranka iyo isha xiisadda joogtada ah ee labada dal, maadaama labaduba ay sheeganayaan madax-bannaanida gobolka Kashmiir.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Hindiya iyo Pakistan ee deegaanka Khashmiir awgeed ayay ciidamada Hindiya soo saareen war qoraal kaasi oo xambaarsanaa diginin iyo hanjabaad adag oo sheegtay in ciidanka Hindiya amar ku qabaan in si degdeg ah u toogan doonaan qof kasta oo kor u qaata ama taagta calanka Pakistan gudaha gobolka Kashmir.

Arrintan markii ay soo baxday masuuliyiinta Pakistaan si kooban oo xirfadaysan ayay uga jawaabeen, taasi oo Hindiya ku noqotay jawaab aad u xun, isla markaana burisay hanjabaadii.  Pakistaan waxa ay calankooda ku sawireen tiro badan oo lo’ ah, waxaana ay ku sii daayeen waddooyinka Kashmir si ay u eegaan in ciidamada Hindiya ay toogtaan.  Dalka Hindiya oo Hinduuska Lo’ada caabuda u badan ayaa aad uga xumaaday arinkaasi iyagoo ku dhici waayay inay dilaan lo’ada ay caabudaan ee haddana uu ku xardhan yahay calanka Pakistaan.