Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Liverpool dalab ku saabsan garabka weerarka ee reer Colombia, Luis Díaz, sida uu warinayo suxufiga lagu kalsoon yahay ee David Ornstein.
“Díaz oo 28 jir ah ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Bayern, waxaana Salaadadii soo gaadhay dalabkoodii ugu horreeyay ee rasmi ah,” ayuu yidhi Ornstein.
Dalabkaas oo ahaa €67.5 milyan (qiyaastii £58.6 milyan) ayaa si degdeg ah u diiday Liverpool, oo loo arko inay weli ku dhegen tahay mawqifkeeda ah in Díaz aanu iib ahayn. Liverpool ayaa la sheegay inay ku qiimaynayso ciyaaryahanka €100 milyan iyo ka badan, inkasta oo ay tahay arrin xisaabeed oo aan ka tarjumayn xirfaddiisa. Luis Díaz ayaa haatan galay 24-kii bilood ee ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Anfield, mana jirto wax calaamad ah oo muujinaysa in la doonayo in la kordhiyo heshiiskiisa. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Díaz u sheegay kooxda inuu doonayo inuu baxo.

























