Bryan Mbeumo ayaa la sawiray isagoo ku soo laabanaya tababarka xilli ciyaareedka isku diyaarinta, laakin Brentford. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa xagaagan oo dhan ay xiisaynaysay kooxda Manchester United, iyadoo Red Devils ay laba dalab ka gudbisay weeraryahanka ilaa haatan.Waxa la fahamsanyahay in Mbeumo uu doonayo inuu u dhaqaaqo Man United laakiin labada Kooxood ayaan wali wax heshiis ah ilaa haatan ka gaadhin saxeexa xiddiga. Haatan tallaabo kale ayaa dhacday iyada Mbeumo uu ku laabtay garoonka tababarka Brentford ee galbeedka London si uu isugu diyaariyo xilli ciyaareedka cusub. Wax jirtay calaamad su’aal ku saabsan in uu xiddigu ku soo laabanayo tababarka maadaama uu doonayo in uu ku biiro Man United laakiin xiddiga ayaa haatan ku soo laabtay tababarka.

























