Kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga ee Al Hilal ayaa wadahadalo la furtay Liverpool iyaga oo doonaya saxeexa xiddiga Darwin Nunez inta lagu jiro suuqa xagaaga. Kooxda Al-Hilal ayaa qaaday tallaabadan kadib markii tababaraha kooxda ee Simon Inzaghi uu codsaday in loo keeno.
Liverpool ayaa dhinaceeda diyaar u ah in ay iibiso xiddiga reer Uruguay inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. Liverpool ayaa Nunez ku qiimaysa lacag dhan 65 milyan oo euro waxaana uu xiddigu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda. Nunez ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Napoli kuwaas oo doonaya in ay ku buuxiyaan booska Victor Osimhen.

























