Qaybta 2.aad Faa’iidooyinka ay Khudaartu u Leedahay Caafimaadka Bani’aadamka

0
233

Tufaaxu waa midho ka mid ah khudaarta. Geedka tufaaxa oo saynis ahaan lagu magacaabo Malus domestica waa geed midho macaan leh kaasi oo la cuno khudaarta uu dhalo. Geedka tufaaxu wuxuu asal ahaan markii ugu horeysay laga helay badhtamaha qaarada Aasiya, halkaasoo la sheegay in ilaa maanta laga helo noocyo badan oo tufaax ah.

Haddaba waxaanu halkan ku eegi doonaa waxyaabo muhiim u ah caafimaadka oo uu ka hortag iyo daawaba uu u yahay Tufaaxu. 1- Nafaqo Dabiici Ah Ugu yaraan halkii xabo ee Tufaax ahba waxa ku jira afar garaam oo maadada Fiber, taasoo qofka caawisa in cuntada uu cunaa ay si fiican u dheef-shiidanto. Sidoo kale il qani ku ah oo laga helo Fiitamiin C.  2) Culeys dhimid: cilmi baadhis la sameeyey ayaa sheegeysa in tufaaxa freshka ah faa'iido u leeyahay dadka buurbuuran,taasoo hadii ay joogto u isticmaalan keeni karta in miisaan badan ay ku lumiyaan waqti kooban .

3) Caafimaadka wadnaha: tijaabo-climiyeed oo lagu sameeyey dad badan ayaa lagu ogaadey in dadka cuna tufaaxa ay halista cudurada wadnaha iyo xidadada dhiiga ay in badan ka yartahay kuwa aan cunin. khoborada dabagalk ku sameeyeyd dadkan muddo ka bdan 20 sanno, ayaa faaidada arrintan u aaneyey curiyayaal loo yaqaano "antioxidants" oo laga helo tufaaxa, kuwaas oo ka hortaga in kolestorolka jirka ay kor u kacdo.

4) Ka hortag dhiig-karka: tufaaxu waxuu ka hortagaa cadaadiska dhiiga oo kor u kaca, sababtoo ah tufaaxu wuxuu qani ku yahay macdanta loo yaqaan "potassium"-ka oo caawiya.