Kabtanka xulka qaranka Argentina, Lionel Messi, ayaa taariikh cusub dhigay kadib markii lasoo af-jaray isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka Koonfurta Ameerika. Tani waa markii ugu horreysay ee uu xiddiga reer Argentina ku guuleysto horyaalka goolasha ee isreeb-reebka qarankiisa.
Messi ayaa ka qaybgalay lix jeer kulamada isreeb-reebka koobka adduunka. Wuxuu dhaliyay 4 gool safarkii Koobka Adduunka 2010, 10 gool tartankii Brazil 2014, 7 gool isreeb-reebkii Ruushka 2018, iyo 7 gool socdaalkii Qatar 2022, halka uu gebi ahaanba gool la’aan ahaa isreeb-reebkii Germany 2006.
Isku daygiisii ugu dhowaa ee uu ku noqon lahaa gooldhaliye sare wuxuu ahaa isreeb-reebkii 2014, markaas oo uu dhaliyay 10 gool, isagoo hal gool ka hooseeyay weeraryahankii Uruguay, Luis Suárez.
Haddase, Messi ayaa rikoodh cusub dhigay isagoo 8 gool dhaliyay kulamadii isreeb-reebka, wuxuuna sii wataa inuu taariikh ku sameeyo xulka ‘Tango’, isaga oo indhaha ku haya inuu Koobka Adduunka 2026 wacdaro dhigo.
Gooldhaliyaha ugu sarreysa isreeb-reebka 2026 (Koonfurta Ameerika):
Lionel Messi (Argentina) – 8 gool
Luis Díaz (Colombia) – 7 gool
Miguel Terceros (Bolivia) – 7 gool
Salomón Rondón (Venezuela) – 6 gool
Enner Valencia (Ecuador) – 6 gool
Darwin Núñez (Uruguay) – 5 gool

























