Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Komishanka Maamul-wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhismaha dawladnimada casri ah, taas oo saldhig u noqon doonta hay’ado dawladeed oo ku dhisan mabaadi’da maamul-wanaagga. Tallaabadan ayaa ujeeddadeedu tahay in la xaqiijiyo hirgelinta hannaan dawladeed oo u saamaxaya masuuliyiinta qaranka inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana si dhab ah loogula xisaabtami karo masuuliyadaha ay bulshada iyo qaranka u hayaan.
Komishanka Maamul-Wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Siyaasadda Maamul-Wanaagga Qaranka, taas oo si cad u muujinaysa himilada iyo go’aan-qaadashada Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhismaha nidaam dawladeed oo ku dhisan isla-xisaabtan, daah-furnaan, iyo adeeg caddaalad ku dhisan. Maamul-wanaagga ayaa ah laf-dhabarta horumarka qaran kasta iyo dhismaha kalsoonida dadweynaha, wuxuuna fure u yahay in la helo nidaam dawladnimo oo lagu faani karo.
Munaasibaddan daahfurka ahi waxay sidoo kale astaan u tahay bilow cusub oo ku wajahan geedi-socodka qaranka JSL, kaas oo dhidibada u aasaya hab-raac maamul oo qeexaya jihada cusub ee qorshaha horumarineed xukuumadda JSL, taas oo ah mid ku saleysan aragti fog, qorshe cad, nidaam hufan iyo wada-tashi joogto ah, si loo xaqiijiyo himilada Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Tallaabada uu qaaday Komishanku ee dib-u-eegista Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka, waxay calaamad u tahay in Jamhuuriyadda Somaliland si dhab ah u qaadayso jidka horumarka iyo dawladnimo casri ah, taas oo la jaanqaadaysa nidaamyada dawladaha caalamka ee ku dhisan hufnaan iyo daah-furnaan.
Guddoomiye ku xigeenka Komishanka, Garyaqaan Madar Siciid, iyo Guddoomiyaha Komishanka, oo khudbad ka jeediyay munaasibadda, ayaa si cad u muujiyay muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta qaranku si hufan oo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana lagula xisaabtamo masuuliyadaha ay u hayaan bulshada iyo qaranka.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaagga, Dr. Aadam Axmed, ayaa isaguna si qoto dheer u sharraxay aragtida guud ee siyaasaddan, wuxuu si cad u muujiyay in ujeeddadu ay tahay in la helo hay’ado dawladdeed oo ku dhisan mabaadiida maamul-wanaagga, kuwaas oo shaqadooda u guta si hufan, isla markaana si sahlan loola xisaabtami kara, taasoo si toos ah ugu adeegaysa danta shacabka. Waxa uu tilmaamay in dib u eegista Siyaasadda Maamul-Wanaagga Qaranku ay tahay mid muhiim ah oo la doonayo in dhammaan hay’adaha dawladda ay ku dhaqmaan, Komishankuna si joogto ah u dabagalayo ku dhaqankeeda.
Guddoomiyaha Komishanku wuxuu si cad u xusay in Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka loogu talagalay in ay noqoto hagaha dhammaan hay’adaha dawladda, Komishankuna uu si joogto ah u dabageli doono dhaqangelinteeda si loo hubiyo in aanay noqon warqad qoran oo kaliya, balse ay noqoto hannaan nololeed oo ka dhex muuqda adeegyada qaranka.
Gunaanad ahaan, daahfurka Siyaasadda Maamul-wanaagga Qaranka waxa uu tusaale cad u yahay dadaalka ay Xukuumadda Somaliland ugu jirto dhismaha dawladnimo hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana bulshada si cadaalad iyo sinnaan ah ugu adeegta. Dawladnimo hufan oo la isla xisaabtamo, una adeegta muwaadiniinteeda si daah-furan, waa tiirka dhabta ah ee lagu dhiso horumar waara iyo kalsooni dadweyne.






















