Xubnaha Turkiga iyo Masar u qaabilsan wadahadalada Xamaas ayaa uga digay hoggaanka garabka siyaasadeed ee ururka in ay adkeeyaan ammaanka meelaha ay ku qabsanayaan kulamadooda toddobaadyo ka hor inta aannay Israa’iil ku weerarin Dooxa, sidaasina waxaa sheegay wargeyska The Wall Street Journal. Wargeyska ayaa sidoo kale wareysiyo ka qaaday saraakiil ka tirsan Israa’iil, Mareykanka, Qatar iyo dalal kale oo Carbeed.
Sida warbixinta lagu sheegay waxaa weerarka ka qeybgalay toban diyaaradood oo u adeegsaday guriga ku yaal Qatar gantaalada meelaha fog wax ka duqeeya. Guriga la duqeeyay waxaa ku sugnaa hoggaamiyayaasha garabka siyaasadeed ee Xamaas kuwaas oo ka doodayay soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza.
Diyaaradaha waxay gantaalada ka soo rideen meel ka baxsan hawada Qatar. Sidoo kale diyaaradaha kuma xadgudbin hawada Sacuudiga ama tan Imaaraatka Cabta sida lagu sheegay warbixinta.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wargelisay weerarka daqiiqado ka hor inta aannay qaadin, mana u sheegin halka ay doonayeen in ay weeraraan.
Masar ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay uga digeysay madaxda Xamaas khatarta ammaan ee ku imaan karta hoggaamiyayaashooda ku sugan dibadda gaar ahaan Lubnaan iyo Turkiga. In si cad loogu khaarjiyo Qatar madaxda Xamaas waxay noqotay mid aad loola yaabay.






















