“Hawlgal Caafimaad oo lagu Taageeraayo Maxaabiista Xabsiga Ceerigaabo….”

0
147

Ceerigaabo (Dawan)-  Wasaaradda Caddaaladda ee Gobolka Sanaag, iyada oo kaashanaysa Xarunta Caafimaadka Aw Muuse Medical Center,  ayaa Khamiistii todobaadkan qaaday hawlgal caafimaad oo ballaadhan oo loogu talagalay daryeelka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiga magaalada Ceerigaabo. Istaraatiijiyadda hawlgalkan oo socday muddo saacado ah ayaa ku saleysan in la hubiyo in maxaabiistu helaan daryeel caafimaad oo joogto ah, sidoo kale hawlgankani waxa uu qeyb ka yahay dadaallada wasaaradda iyo qorsheyaal ballaadhan oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee xarumaha xabsiyada, islamarkaana lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo nolosha maxaabiista, taasoo ka tarjumeysa sida ay wasaaraddu uga go’antahay horumarinta iyo daryeelka dadka ku jira xabsiyada gobolka Sanaag.

Hawlgalkan ay samaysay Wasaaradda Caddaaladda ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka mid ahaa kormeer caafimaad oo guud, daaweyn iyo bixinta adeegyo caafimaad oo kala duwan, iyo qiimeyn caafimaad oo dhamaystiran si loo ogaado xaaladaha caafimaad ee maxaabiista. Sidoo kale, waxaa la bixiyay wacyigelin ku saabsan nadaafadda shaqsiga iyo ka hortagga cudurrada faafa, iyadoo sidoo kale la dhiirrigeliyay barnaamijyo lagu ilaalinayo caafimaadka maskaxda, taasoo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo daryeelka caafimaad ee dadka

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee ka socday Aw Muuse Medical Center ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeeyay hawlgalkan, iyaga oo sidoo kale maxaabiista ku baraarujiyay muhiimadda nadaafadda shaqsiga ah iyo sida looga hortagi karo cudurrada faafa ee xabsiyada ka dhasha.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka dowladda iyo hay’adaha caafimaadka ee lagu xoojinayo xaaladaha caafimaad ee maxaabiista, si loo hubiyo inay helaan daryeelka ay u baahan yihiin, loona dhowro sharafta aadanaha.

Hawlgalka noocan oo kale ah ayaa qeyb ka ah qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee xabsiyada, isla markaana lagu xaqiijinayo in maxaabiistu helaan adeegyo caafimaad oo hufan, si looga hortago cudurrada loona daryeelo caafimaadka maskaxda iyo jidhka guud.