Waxbarashadu Waa Furaha Horumarka iyo Yareynta Baahiyaha Bulshadda”

0
186

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa si xooggan uga hadashay muhiimadda waxbarashada ee dhalinyarada Somaliland, iyadoo ku boorrisay in waxbarashadu aanay u noqon dariiq loo maro shaqo raadin keliya, balse ay noqoto aalad horumarineed oo bulshadu iyo dalkuba ka faa’iidaan.

Marwo Samsam waxay la hadashay arday ka qalin jabinaysay Jaamacadda Adna Aadan Hospital, kuwaas oo bartay culuumta caafimaadka, iyada oo ku adkaysay in ujeedada ugu weyn ee waxbarashadu ay tahay in dhalinyaradu noqdaan aqoonyahanno kaalin muuqata ka qaata horumarinta adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha kale ee bulshada.

“Ha u baranina waxbarashada si shaqo keliya loogu helo, ee u barta si aad u horumarisaan dadkiinna iyo dalkiinna,” ayay tidhi Samsam Maxamed Saalax.

Wasiirku waxay sidoo kale tilmaantay in shaqo la’aan baahsan ay jirto gudaha dalka, hase yeeshee xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay in si dhab ah wax looga qabto arrintan. Marwo Samsam waxay ku adkaysay in jaamacadaha dalka laga filayo inay door muuqda ka qaataan yareynta shaqo la’aanta, iyagoo soo saaraya arday leh xirfado iyo aqoonta suuqyada shaqada gudaha looga baahanyahay, taas oo ka hortegi doonta ku tiirsanaanta keensashada khubaro shisheeye.

“Waxa wanaagsan in jaamacadaha dalka aynu kala shaqayno sidii aynu u soo saari lahayn aqoonyahanno ay shaqooyinka dalku u baahan yihiin,” ayay intaas ku dartay Wasiirku-xigeenka.

Warbixintan ayaa muujinaysa dadaalka wasaaradda caafimaadka iyo dowladda Somaliland ee ku aaddan horumarinta awoodda dhalinyarada iyo yaraynta shaqo la’aanta iyada oo la adeegsanayo waxbarashada iyo tababarka xirfadeed ee tayada leh, taasoo ah tallaabo muhiim u ah horumarka dalka iyo mustaqbalka ifaya ee Somaliland.