Paul Scholes Oo Difaacay Nidaamka Amorim; Wuxuu Dhaliil Culus U Jeediyay Maamulka Manchester United

0
140

Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa taageeray nidaamka ciyaareed ee tababare Ruben Amorim, isagoo dhaleeceyn u jeediyay maamulka kooxda qaabka ay u maareeyeen suuqa kala iibsiga xagaagan.

Scholes ayaa sheegay in bilowga liita ee xilli-ciyaareedka cusub aannu sabab u ahayn nidaamka tababaraha, balse ay ku xiran tahay tayada ciyaartoyda. Hadalkiisa ayaa yimid kaddib guuldarradii 3-0 ee ay United kala kulantay Manchester City kulankii derbiga Axadii.

Isagoo ka hadlayay BBC 5 Live ayuu yidhi: “Runtii ma aaminsani in nidaamka [Amorim] uu ahaa mushkiladda. Haddii aad tirakoobyada eegto, Man United ayaa xitaa ka haysatay kubbadda Man City iyagoo garoonkooda la joogo. Taasi ma muujinayso in khadka dhexe la garaacay, anigu sidaas ma aaminsani. Laakiin tayada ciyaartoyda dhexda ahi heerkaa ma gaarsiisna.”

Scholes ayaa ku daray: “Xagaaga oo dhan waxaan u arkayay in la keeno khad dhexe oo tamar leh, ciyaarta xakameyn kara, ay ahayd mudnaanta koowaad. Taasi se weligeed ma muuqan. Waxaa laga yaabaa inay qas ku jireen dhamaadka suuqa oo [Carlos] Baleba la baadi goobayay, balse marnaba qorshe rasmi ah ma ahayn.”