Masuuliyiin Maraykan ah iyo kuwa Shiine ah ayaa sheegay in ay gaadheen heshiis hordhac ah oo uu Maraykanku kula wareegayo aalladda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ee uu shiinuhu leeyahay. Warku waxa uu intaa ku daray in uu jiri doono wicitaan dhinaca taleefanka ah oo Jimcaha dhex mari doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Wadahadallo socday bilo oo dhex marayay dalalka hoggaamiyaha dhaqaalaha caalamka ayay suuragal tahay in ay gaadhaan heshiis laga gaadho barta caanka ah ee TikTok oo ay adeegsadaan 170 milyan oo Maraykan ah.
Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay dunida qaybo badan ay ka dhaceen dagaal-ganacsiyeed ballaadhan oo gilgilay suuqyada caalamiga ah.
Kaddib kulan ka dhacay magaalada Madrid oo ay wada qaateen masuuliyiin Shiine ah iyo Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in ay soo dhammaatay muddadii ay bartan bulsho ee TikTok ay carqaladaynaysay dalka Maraykanka. Waxa se uu diiday in uu ka hadlo waxyaabaha gaarka ah ee heshiiskaasi ku saabsan.
Bessent wuxuu sheegay in marka la shaaciyo shuruudaha ganacsiga ee heshiiska, uu ilaalin doono dhinacyada dhaqanka ee TikTok ee gorgortanlayda Shiinaha ay danaynayaan.
“Waxay xiiseynayaan in App-kani uu sii ahaado mid leh qaabka Shiinahu u qaabeeyeen, kaas oo ay u maleynayaan inuu yahay mid fudud. Annagu dan kama lihin astaamaha Shiinaha. Waxaan daneyneynaa amniga qaranka,” Bessent ayaa u sheegay weriyeyaasha
Trump, markii la weydiiyay in Shiinahau uu shirkaddan saami ku yeelan doono, waxa uu wariyayaasha u sheegay “Maan go’aansan taas laakiin waxay ila tahay aniga, waxaana la hadlayaa Madaxweyne Xi Jimcaha, si loo xaqiijiyo taas.”
Waa markii labaad ee sanadkan ay labada dhinac sheegeen inay ku dhow yihiin heshiis TikTok.






















