Qatar oo Beesha Caalamkau ku Canaanatay laba Wajiilayn

0
131

Dawladda dalka Qadar,ayaa beesha caalamka ku canaanatay laba wajiilayn marka laga hadlayo arrmaha Sraa’iil  isla markaana sheegtay in la gaadhay wakhtigii lagu ciqaabo  dawladda Sraa’iil. Ficiladeeda.

Waxaanay ka sheegtay shirkii dawladaha Islaamku ay ku yeesheen dalkeeda in loo baahan in lagu ciqaabo Sraa’iil falalkeeda  xadgudubyada ah.

“Waxaa la joogaa waqtigii beesha caalamku ay joojin lahayd laba-wajiilenimada ayna ku ciqaabi lahayd Israa’iil dhammaan dambiyada ay gashay,” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Qatar Waxa uu yidhi “Israa’iil waa in ay ogaataa in dagaalka burburinta ah ee ay kula jirto dadka aan walaalaha nahay ee Falastiiniyiinta ah ee ay uga dan leeyahay in laga saaro dhulkooda in aanu guul gaadhin”.

Qatar ayaa hore  jawaab adag uga bixisay weerarkii Israa’iil ee Dooxa 9kii Sebtember, waxayna ku celisay inay hadda si buuxda uga feejigan tahay xaalad kastana ay u diyaar garoobeyso.