Ninka ku eedeysan dilkii Charlie Kirk oo FBI-du caddeymo hor-leh ka keentay

0
151

Caddeymo laga helay maro lagu duubay qoriga laga shakisan yahay in lagu dilay Charlie Kirk iyo DNA-da eedaysanaha gacanta lagu hayo ayaa isku mid noqday, sida uu sheegay agaasimaha FBI-da Mareykanka.

Tyler Robinson, oo 22 jir ah, ayaa la xidhay ka dib dhimashadii Kirk ee ka dhacday xaflad ka dhaceysay Jaamacadda Utah Valley Arbacadii. Qori nooca bolt-action ah ayaa laga helay meel u dhow goobta iyadoo saqafka sare ee dhisme ku yaalla aaggaasi laga soo riday rasaasta ku dhacday ninka geeriyooday.

“Waxaan  sheegi karaa in Caddeymaha ku yaalla maro lagu duubay qoriga iyo DNA-da eedaysanaha gacanta lagu hayo ay isku mid yihiin,” ayuu yidhi Kash Patel isagoo la hadlayay wrabahainta.

Agaasimaha FBI-da – oo la filayo in su’aalo lagu weydiiyo dhageysi ka dhacaya Aqalka Wakiillada  – ayaa sidoo kale xusay warqad laga helay guriga eedaysanaha, taasoo ku baaqeysay in “meesha laga saaro  oo la dilo” Kirk.

“Waxaana ku qoran… ‘Waxaan haystaa fursad aan ku baabi’iyo Charlie Kirk’, waxaanan ka faa’iideysan doonaa fursaddaas. Hadalkaas waxaa la qoray ka hor intaan Kirk la toogan,” ayuu yidhi Patel.

Wuxuu intaa ku daray, “inkastoo ay burbursan tahay, waxaan helnay caddeymo ku saabsan warqadda”.