Kadib Guushii Chelsea, Amorim oo Shaaciyay Hal Dhibaato oo Kooxdiisa Heysata

0
107

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qirtay in kooxdiisu ay weli “isku dhex yaacdo” xitaa marka ay ciyaarta gacanta ku hayso, kadib guushii 2-1 ee ay ka gaadheen Chelsea Sabtidii Premier League. Goolal ka yimid Bruno Fernandes iyo Casemiro ayaa ku filnaaday in United ay saddexda dhibcood ku qaadato Old Trafford, inkasta oo kooxda martida aheyd ay soo bandhigtay qayb labaad oo adag.

“Waxaan dhalinnay labo gool, markaasna waxaan isku daynay inaan ciyaarta adkeeyno mar kale. Mar walba way nagu adagtahay. Kulanka xiga waa inuu si ka duwan u dhacaa,” ayuu Amorim u sheegay BBC Sport.

Tababaraha reer Portugal ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda taageerayaasha, isagoo sheegay in ciyaartoydiisu ay si fudud u kasban karaan taageerada garoonka haddii ay muujiyaan dadaal iyo dagaal.

“Taas waa in ciyaartoydu fahmaan si taageerayaasha noo garab istaagaan, waa inaan orodnaa, dagaallannaa oo jabinnaa weerarrada,” ayuu raaciyay.

Guushan ayaa United u suurtagelisay inay sii joogteeyaan cadaadiska kooxaha ka sarreeya horyaalka inkasta oo Amorim uu weli ku adkeysanayo in shaqo badan ay u taallo.