Dalkaaga inaad jeclaato oo ilaaliso amaankiisa iyo sharaftiisa waa waajib ku saran Muwaadin

0
130

Qormada  Arrimaha Bulshada Todobaadkan waxa aynu kaga hadli doona laba qaybood oo xiiso badan oo kala ah qiimaha muwaadinimada iyo halista baraha bulshadu ku kulanto ee internetka, haddaba aan ku bilaabo ee Muwaadinimadu waa shayga ugu qaalisan ee lagu garto ruuxa uu Alle garansiiyay kaas oo leh dhamaan ba astaamaha laguyaqaan qofka muwaadinka ah ee  Dalkiisa jecel, balse waxaad moodaa inay arrintaasi aad ugu yartahay dadkeena.

Dhawaan waxaanu u kuur galay sidii aan u ogaan lahaa waxa ay dhaliinyaradeenu ka aaminsan yihiin muwaadin iyo masuuliyadaha looga bahan yahay dadkii aan la kulmay oo u badnaa  dhaliinyaro Ayaan waydiiyay maxaa looga baahan yahay Qofka u dhashay dalkan ee reer  Somaliland ah?

Waxaannu igu jawaabay Sakariya Cawl Ka Mida Ardayda reer Somaliland ee Wax ku soo

bartay Dalka Malaysiya haatana ku sugan magaalada Hargeysa  “dhab ahaantii waxa looga

baahan yahay in muwaadiniinteenu ay ka shaqeeyaan hagaajinta iyo horumarinta dalkeena,

sida ay sameeyaan muwaadiniinta kale ee dunida ee aynu maanta hiigsano waddamadooda

kuwaas oo dhulkooda ka shaqaystay una shaqeeyey”.

Sakariya wuxuu intaa ku daray “maanta Dalkeena waxaad moodaa in aanay joogi dadkiisii u

tudhi lahaa sababta oo ah Qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu doono ayuu samaynayaa waxaad

arkaysaa, dad badan oo xidhaya jidadkii oo dhigaya dhagaxaan iyo waxyaalo kale bal u fiirso

Guri kasta amaba inta ugu xaafadaha Hargeysa waxa la hor tuulaa dhagaxaan kuwaas oo

cidhiidhi galiya jidadka yaryar ee dhex mara xaafadaheena dhexdooda, taas oo xataa mararka

qaar keenta in waxyeelo soo gaadho Ubadkeena Iskuulada u socda, waxanna intaaba ka sii

daran muuqaal xumada ay dhagaxantaasi ku hayaan Guryaheena casriga ah ee sida quruxda

badan loo dhisay bale bilicdoodii ku waayay dhagaxanta iyo waxyaalaha kale ee aynu ka hor

dhisno sida jiingadaha iyo wixii la midka ah”.

Ugu dambayn waxa uu Barnaamijku u soo jeedinayaa dhamaan umada reer Somaliland inay

tudhaale u yeeshaan Dalkooda Hooyo muwaadin bilicda magaaladaada oo aad dhawrtaa waa

masuuliyad ku saran waxaanna lagaaga baahan yahay inaad isku hawsho sidii aad dantaada

gaarka ah uga horaysiin lahayd danta guud.

Qaybta 2.aad. Halista Baraha Bulshada Iyo Macluumaadka Gaar Ka Ah Ee Si Fudud Loo

Jabsan Karo

 

Macluumaadka aan ku soo qorno baraha ay bulshada ku kulmaan (Socail Media) annagoo

markaa is leh wax dhib ahi kama iman karo, ayaa waxaa akhristoow aad bixineysaa

macluumaad farabadan oo adiga kugu saabsan, ama qof saaxib ah ku saabsan, ama qoyskaaga ku saabsan, taasoo u sahleysa tuugada internetka (Criminal Hackers) in ay kaaga faa’iidestaan macluumaadkaas oo ay u sahasho in ay xadaan aqoonsigaaga ama midka qofka aad macluumaadkiisa bulshada u soo bandhigtay, sida maalintaad dhalatay, da’daada, cinwaanka iyo Telephone number.kaaga

Mumiimada ugu wayn waa aqoonsigaaga (Your Identity). Baraha bulshada ay ku kulmaan

waxaa ay u sahashaa tuugada (Hackers) in ay helaan macluumaad lagu kalsoonaan karo iyagoo helaaya soo saarida macluumaadka aad adiga siisay baraha bulshada, adigoon ka fikirin “Yaa isticmaali kara” ama “Halkee lagu keydinayaa macluumaadkaas”

Walaaca ugu weyn xogta adiga kuu gaarka ah iyo xaddiga warbixinada aad siinaysid baraha bulshada ku kulmaan, ayaanan u muuqan in mid dadka badankoodu ay ka qabaan dareen fog, oo inta badan yaraysta amaba u haysta waxa ay qorayaan in uu yahay macluumaad xafidan

(Secure Information).

Xataa haddii aanad wax ku soo qorin baraha bulshada ku kulanto (Social Media), saaxiibada

ama qoyskaaga ayaa si aan kutalagal ahayn u soo bandhigi kara xogtaada boggaga ay ku

leeyihiin sida, Facebook, sida halka aad ka shaqeysid, cinwaanka halka aad degen tahay, waxa

aad xiisaysid ama tilifoon numberkaaga, waxana suurta gal ah cadadda macluumaadka uu qof

kaa gudbin karo in ay yar tahay, balse iyadoo ay istacmaalayaan macluumad aad u yar oo

adiga ku quseeya, ayaa waxaa u suurto geli karto in ay isticmaalaan habab kale oo u sii

fududeeynaya sidii ay ku heli lahaayeen macluumaad dheeri ah oo adiga ku quseeya, tusaale

ahaan: Waxaa ay sameysan karaan account ama bar been abuur ah sida linkedin.com si ay

kuula soo xidhiidhaan maadaama uu yar yahay shakiga laga qaba linkedin oo ah bar la isku

dhaafsado xogag dadka shaqo doonka ah, ama raba in aay si joogta ah ula socdaan waxa

markaas ay jecel yahay dhanka shaqada ah iyo dadka la shaqeeyaba, (Social Networking)

waxaana suurta gal ah in ay halkaa ka helaan macluumaad dheeri ah oo ay kuu isticmaalan si

loo helo aqoosigaaga saxda ah (True Identity). La soco…

.