“Wuu Ka Qoomameyn Doonaa” – Neville Oo Uga Digay Arteta Go’aan Khatar Ah Ka Hor Kulanka Newcastle

0
101

Gary Neville oo horey uga tirsanaa Manchester United iyo xulka England ayaa sheegay in ay jirto kaliya hal waddo oo ay Arsenal ku hanan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Neville ayaa taageeray Gunners inay soo afjaraan sugitaankooda dheer ee horyaalka, balse wuxuu ku adkeystay in arrintu ku xiran tahay go’aamada uu qaadanayo tababaraha kooxda, Mikel Arteta.

Wuxuu xusay in kooxda waqooyiga London ay tahay inay qaado tallaabo muujinaysa inay si dhab ah ugu tartamayso horyaalka EPL, isagoo shaki ka muujiyay xeeladaha Arteta, gaar ahaan kulankii dhawaan ee Manchester City.

Arteta ayaa kursiga keydka dhigay ciyaartoyda ay ka mid yihiin Eberechi Eze iyo Gabriel Martinelli, isagoo doorbiday Mikel Merino iyo Leandro Trossard kulankii ugu dambeeyay.

Erling Haaland ayaa City hogaanka ugu dhiibay sagaal daqiiqo gudahood, balse Eze iyo Martinelli oo qeybtii labaad soo galay ayaa iskaashaday si ay u badbaadiyaan Arsenal kulankaas.

Neville oo la hadlayay barnaamijka The Overlap ayaa ku taliyay in Arteta uu u baahan yahay inuu dhab noqdo, isagoo sheegay in xiddigaha Arsenal ay garwaaqsadeen in tababarahoodu qaadanayo go’aamo khaldan.

“Ma aaminsani in 60,000 ama 70,000 taageere ay qaldan yihiin dareenkooda, sidoo kale ma aaminsani in annaga oo studio ku jirna ama garoonka joogna aan dhammaanteen qaldaneyn,” ayuu yidhi.

“Waxaan ku dhaaran karaa in qolka labiska isla markiiba ciyaartoydu eegeen tababaraha oo ay isweydiinayaan, ‘Hmm, mar kale ayaad sidaas sameysay, waxaad sidaas ku samaysay Anfield, sidoo kale Old Trafford, balse gaar ahaan Anfield.’

“Wuxuu ka dhigi karay ciyaarta mid weerar badan Anfield, wuuna sameyn waayay, sidoo kale City ayuu ka dhigi karay bilowgiiba mid weerar badan.

“Haddii aannu xadhigga ka bixin wuu ka shallayn doonaa. Waxaan qabaa inuu mararka qaar doorto kooxaha ugu difaaca badan ee uu heli karo marka ay tahay kulamada waaweyn,” ayuu raaciyay.

Neville ayaa intaas ku daray: “Qof walba isla wax ayuu ka sheegaya, waxay ku jiraan meel wanaagsan. Anigu hore ayaan u iri Arsenal ayaa ku guuleysan doonta horyaalka. Waxaannu rabnaa inay qaadaan tallaabo, waxaana sheegaynaa inaan rumeysanahay kooxdaan inay qaadi karto tallaabo weyn.”

Liverpool ayaa durba hoggaanka u qabatay tartanka Premier League, iyadoo shan dhibcood ku hoggaamineysa kadib shan kulan.

Arsenal ayaa toddobaadkan u safri doonta Newcastle United, halkaas oo ay rajaynayaan inay dib ugu soo laabtaan wadadii guulaha.