Nolosha Qadiimka Ah EE Bulshada Wakhi!

0
79

Bulshada lagu magacaabo Waakhi ee degan dalka Afkhaanistan ayaan war u hayn in dalkooda muddo dheer uu ka socday duulaankii uu Maraykanka ku qaaday. Guud ahaan bulshadani waxay ku nooshahay buuralayda Waakhan oo ku taalla xadka ay ku kulmaan Afkhanistan, Pakistan iyo Dajakistan.

Tira koobka qabiiladan ayaa lagu qiyaasay 12 kun, mana yaqaaniin Laydh, telefoon, Radio iyo Vedio midna. Eric Forge oo ah sawirqaade Faransiis ah ayaa dalxiis ku soo maray deegaankiisa bishi August sanadkii 2017. Bulshadan ayay noloshoodu ku xidhan tahay beeraha iyo xoolaha oo ay dhaqdaan. Guryahoodan waxay ka dhisaan dhagax iyo qaabab dabiica ah.

Wargeyska Daily Mail ayuu hogaamiyaha qabiiladan u sheegay in goobta fog ee ay degan yihiin sabab u tahay sida ay uga go’an yihiin dunida kale. Dhinaca Caafimaadka qaabkii dhirta ee qadiimiga ah ayay adeegsadaan. Ma isticmaalaan lacag sidaa awgeeda dharka waxay ka helaan askarta ciidamada xadka maraya oo ay kaga bedeshaan xoolaha ay dhaqdaan.