Xukuumadda oo Hormuud ka Noqotay Samaynta Manhaj Qaran oo ku Saabsan Nafaqeynta Xoolaha

0
105

Qore: C/wahaab Daahir Xasan

Barnamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo aynu ku soo qaadan doono macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.

Barnaamijkeena maantuna waxa uu diirada saarayaa, dedaal muuqda ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirtay horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta ilaha nolosha bulshada reer miyiga ah, oo mar kale qaaday tallaabo taariikhi ah oo tiir-dhexaad u noqon doonta koboca wax-soo-saarka xoolaha.

Magaalada Hargeysa waxa si rasmi ah looga furay kulanka falaynqeynta Manhajka Qaran ee Tababarka Calafka Xoolaha, kaas oo hordhac u ah hirgelinta manhaj mideysan oo qaran oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha wax-soo-saarka calafka xoolaha ee dalka.

Kulankan muhiimka ah waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo nidaam mideysan oo lagu hago tababarada iyo horumarinta ilaha calafka xoolaha, taas oo ah tiir muhiim ah oo ay ku tiirsan yihiin nolosha boqollaal kun oo reer miyi ah.

“Manhajka Qaran waxa uu noqon doonaa saldhig aqooneed oo jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalkaba u sahli doona inay si cilmiyaysan u maareeyaan wax-soo-saarka calafka, taasoo si toos ah u saameynaysa tayada xoolaha, dhaqaalaha qoyska, iyo horumarka guud ee dalka,” ayuu yidhi Wasiirku.

Kulankan falanqeynta ah wuxuu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu dhisayo hannaanka aqooneed ee lagu horumarinayo dhaqaalaha xoolaha, iyadoo la adeegsanayo cilmi iyo waayo-aragnimo isbarkan. Waxa uu sidoo kale ka tarjumayaa dadaalka ay Somaliland ugu jirto la jaanqaadka isbeddellada cimilada, baahida sii kordheysa ee suuqyada xoolaha, iyo caqabadaha la xidhiidha kaydinta iyo warshadaynta calafka xoolaha.

Ujeeddada mashruucan waxaa si cad loogu saleeyey in:

La mideeyo tababarada calafka xoolaha ee dalka oo dhan, si looga gudbo kala duwanaanta aqooneed iyo tababar ee hadda jirta.

In la hubiyo tayada aqoonta la gaadhsiinayo beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, si loo helo natiijooyin wax ku ool ah.

In la yareeyo caqabadaha ay keeneen abaaraha soo noqnoqda, isbeddelka cimilada, iyo baahida sii kordhaysa ee kaydinta, warshadaynta, iyo suuq-geynta calafka xoolaha.

Faa’iidooyinka iyo Saameynta Manhajka Qaran:

Manhajkan cusub waxa uu noqon doonaa halbeeg mideeya aqoonta la xidhiidhta calafka xoolaha, waxana uu si weyn u gacan siin doonaa kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha, taasoo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Sidoo kale, waxa uu sare u qaadi doonaa awoodda beeralayda iyo xoolo-dhaqatada si ay ula qabsadaan caqabadaha deegaanka iyo kuwa suuqyada.

Mashruucani waxa uu astaan u yahay tallaabo dhab ah oo lagu dhisayo mustaqbal waara, kaas oo ku saleysan aqoon, isku xidhnaan, iyo iskaashi heer qaran iyo mid caalami ah. Waxa uu noqon doonaa iftiin hagaya jiilka maanta iyo kuwa berriba, isagoo si dhab ah uga jawaabaya baahida nolosha miyiga, korna u qaadaya isku-filnaanshaha ummadda Somaliland.

Falaynqeynta Manhajka Qaran ee Tababarka Calafka Xoolaha waxa ay muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha hannaan aqooneed oo tayo leh, oo horumar u horseeda nolosha beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, korodhka wax-soo-saarka, iyo koboca dhaqaalaha guud. Waxa la rajeynayaa in manhajkan uu noqdo mid tusaale u ah dadaallada horumarineed ee lagama-maarmaanka u ah dhisidda bulsho horumarsan oo u adkaysata duruufaha deegaanka iyo kuwa dhaqaale.

Dhinaca kale, iyadoo la tixraacayo dedaallada joogtada ah ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyigu ku dooneyso in la daadejiyo adeegyada caafimaadka xoolaha ee dalka, ayaa isla todobaadkii hore waxa si rasmi ah tababar loogu furay 51 qof oo ka kala yimid tuulooyinka hoos yimaadda Gobolka Maroodi-Jeex.

Furitaanka tababarkan waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed, oo ay wehelinayeen Madaxa Hay’adda Barwaaqo ee Somaliland, Mr. Maxamuud Qawdhan, iyo Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi-Jeex, Dr. Maxamed Ibraahim.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la carbiyo daryeelayaal deegaanka ah oo awood u leh inay si toos ah uga jawaabaan baahiyaha aasaasiga ah ee caafimaadka xoolaha, iyadoo la adeegsanayo aqoon sugan, qalab casri ah, iyo adeegyo si hufan loo gaadhsiinayo bulshooyinka reer miyiga.

“Tababarkan waxa uu qayb ka yahay qorshaha waaxda ee lagu doonayo in adeegga caafimaadka xoolaha la gaadhsiiyo heer tuulo, taas oo muhiimad gaar ah u leh tayaynta wax-soo-saarka xoolaha iyo ka hortagga cudurrada faafa,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Maxamed, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha.

Tababarka waxa uu si gaar ah u taabanayaa kor u qaadidda awoodda dadka deegaanka, gaar ahaan dadka ku sugan meelaha ay adag tahay in si joogto ah loo gaadhsiiyo adeegyada xannaanada xoolaha. Waxa la rajaynayaa in ka qaybgalayaashu noqdaan tiir-dhexaadyo deegaanka ka hawlgala, oo si toos ah ula socda xaaladda caafimaad ee xoolaha, gaar ahaan marka ay jiraan dhibaatooyin degdeg ah sida cudurrada faafa ama xaalufka dabiiciga ah.

Saameynta iyo Himilada Tababarkan:

Inkasta oo adeegyada caafimaadka xooluhu ay horumar sameeyeen sanadihii u dambeeyey, haddana waxaa muuqata in weli loo baahan yahay dadaal dheeri ah oo lagu gaadhsiinayo adeegyadaas meelaha ay gaadiidka ku adag tahay in ay maraan, ama ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto. Tababarrada noocan ah waxay bixiyaan xalka joogtada ah, iyagoo sameynaya isbeddel waara oo ka bilaabma gudaha bulshada lafteeda.

Wasaaraddu waxay qorsheynaysaa in nidaamkan loo fidiyo gobollada kale ee dalka, si loo abuuro shabakad ka qayb-qaadata daryeel caafimaad xoolaha oo si toos ah uga hawlgasha tuulooyinka iyo degmooyinka fog.

Tababarkan waxa uu muujinayaa go’aanka adag ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee ah in la xoojiyo adeegyada caafimaadka xoolaha, iyadoo diiradda la saarayo deegaanka iyo baahiyaha gaarka ah ee reer miyiga. Waxa sidoo kale uu tusaale u yahay sida iskaashi dhexmaray wasaarad iyo hay’ad gaar ahi uu ugu milmi karo adeegyo wax ku ool ah oo toos u taabanaya nolosha bulshada.

Gunaanad

Labadan tallaabo ee isbarbar socda, dhismaha Manhaj Qaran oo mideeya aqoonta calafka xoolaha iyo tababarka daryeelayaasha caafimaadka xoolaha ee heer tuulo, waxay ifinayaan jihada cad ee ay qaadayso Jamhuuriyadda Somaliland si loo dhiso hannaan xoolo-dhaqasho casri ah oo waara. Waa istaraatiijiyad cilmiyaysan oo isku xidhaysa aqoon, adeegyo la gaadhsiiyey bulshada, iyo iskaashi qaran iyo caalami ah, si loo xaqiijiyo doorka xoolaha nool ee Somaliland oo ah il dhaqaale oo sugan, tayaysan, una adeegta nolosha qoyska iyo qaranka ba.

Mashruucyadani waxay sidoo kale tusaale u yihiin sida qorshe dhab ah oo ku dhisan baahi rasmi ah iyo aqoon sugan uu u beddeli karo mustaqbalka miyiga Somaliland, iyada oo la gaadhsiinayo bulshooyinka adeegyo lagu horumarinayo noloshoodas. Haddii la sii joogteeyo dadaallada noocan ah, waxa hubaal ah in Somaliland ay noqon doonto dal leh nidaam xoolo-dhaqasho oo casri ah, la jaanqaadi kara cimilada isbeddelaysa iyo baahida suuqyada gudaha iyo dibadda.