Khabiirka Sky Sports, Paul Merson, ayaa aaminsan in cadaadiska tababaraha Chelsea, Enzo Maresca uu sii xoogeystay.
Chelsea ayaa kaliya hal dhibic ka heshay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League, iyadoo labo ka mid ah ay ku dhammaysteen 10 ciyaaryahan. Merson ayaa sheegay in xaaladda Maresca ay si dhab ah khatar u gali doonto haddii Blues ay todobaadka dambe guuldarro kala kulmaan Liverpool.
“Chelsea ma aysan helin hal kulan oo ay muddo dheer si buuxda u xakameeyaan. Waad ogtahay in Brighton ay heleen fursado wax ku ool ah, waana sida ay wax u dhaceen. Ugu dambeyn, guusha ay heleen waa mid ay xaq u lahaayeen. Chelsea waxay u baahan tahay in dhammaan ciyaartoydeedu isbeddel sameeyaan.
Haddii aad fiiriso labadii kulan ee ugu dambeysay, waxaad arkeysaa in ay lumiyeen lix dhibcood. Wax dhibco ah kama aysan helin Manchester United iyo Brighton, taasina waa mid niyad jab leh. Cadaadiska Maresca wuu kordhayaa,” ayuu yidhi Merson.
“Waxay lahaayeen 20 daqiiqo oo aad dhihi karto: ‘Wow, waa kuwo fiican.’ Waxay si cajiib ah u ciyaareen 20-kii daqiiqo ee hore kulankii Brighton, kadibna si tartiib ah ayey u daciifeen. Waxaa laga yaabaa inay mar kale soo saaraan 10 daqiiqo oo fiican ka hor inta aysan mar kale dhicin.
“Usbuuc weyn ayaa soo socda. Waxay wajahayaan Benfica oo uu Jose Mourinho hoggaaminayo, kadibna Liverpool. Haddii ay Liverpool ka badiso, taasi waxay noqon doontaa guuldarradii seddexaad oo xidhiidh ah horyaalka. Maresca wuxuu markaas wajihi doonaa cadaadis aad u weyn,” ayuu Merson u sheegay Sky Sports.

























