Muxuu Xabi Alonso Ka Yidhi Guuldarradii Xanuunka Badneyd Ee Kooxdiisa Kasoo Gaadhtay Atletico Madrid?

0
87

Tababaraha Real Madrid, Xabi Alonso, ayaa qirtay inuu “ka xumaaday” guuldarradii 5-2 ay kooxdiisa kala kulantay Atletico Madrid Sabtidii.

Alonso oo hadlay kadib kulanka ayaa sheegay in natiijadu ay ahayd mid xaq ah, isagoo ku tilmaamay bandhigga kooxdiisa “ciyaar xun.”

Labada kooxood ayaa barbaro ugu baxay waqtiga nasashada. Robin Le Normand ayaa hoggaanka u dhiibay Atletico, balse Kylian Mbappé iyo Arda Güler ayaa goolal u keenay  Madrid. Alexander Sørloth ayaa goolka barbaraha dhaliyay daqiiqadaha lagu daray qeybta hore.

Qeybta labaad, Julián Álvarez ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay – mid rikoodhe ah iyo mid laad xor ah – si uu Atletico ciyaarta gacanta ugu geliyo, ka hor inta aannu beddelka Antoine Griezmann ku darsan gool shanaad dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadan ayaa ahayd guuldarradii ugu horreysay ee Real Madrid xilli ciyaareedkan.

“Waxay ahayd ciyaar xun,” ayuu Alonso yidhi.

“Si wadajir ah uma ciyaarin – xilliga aan kubadda heysano iyo xilliga aanan haysan toona. Heerkii looga baahnaa ma gaadhin.

“Waan ognahay inaan ku jirno ‘marxalad dhisme,’ waa inaan casharro ka barannaa wixii dhacay, waxayna na caawin doontaa mustaqbalka, balse ma jiro cudurdaar. Waxaannu ka maqnaannay xamaasad dheeri ah. Guuldarradan aad bay u xanuun badan tahay.”