Taageerayaasha Kubadda Cagta Oo Si Cadho Leh Uga Falceliyay Natiijada Rasmiga Ah Ee Abaalmarinta Ballon d’Or

0
89

Xafladdii Ballon d’Or ee 2025 ayaa lagu qabtay Theatre du Chatelet ee magaalada Paris, iyadoo Ousmane Dembélé uu ku guuleystay abaalmarinta ragga, halka Aitana Bonmatí ay mar saddexaad oo xidhiidh ah hanatay abaalmarinta haweenka.

Dembele, oo ahaa ciyaaryahanka ugu cadcad, ayaa ka horreeyay Lamine Yamal, Vitinha, Mohamed Salah iyo Raphinha. Ka dib markii uu abaalmarinta qaatay, Dembele wuxuu sheegay: “Runtii waan walwalsanaa. Abaalmarintan waxaan ka helay halyeey weyn, waana wax aanan weli rumeysan. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan saaxiibadayda, waa guul wadajir ah.”

Hase yeeshee, kadib markii faahfaahinta codbixinta la shaaciyay, taageerayaal badan ayaa caro ka muujiyay booska uu helay Mohamed Salah, inkastoo uu lahaa xilli ciyaareed cajiib ah 2024/25. Sida laga soo xigtay wariyaha Masar Ismael Mahmoud, kaliya afar wariye ayaa Salah ugu codeeyay kaalinta koowaad – kuwaas oo ka kala yimid Masar, Baxrayn, Urdun, iyo Koonfur Afrika. Dhanka kale, dalal ay ka mid yihiin Qatar, Romania, Mexico, Switzerland iyo Uganda ayaa gabi ahaanba ka saaray xiddiga tobanka sare.

Baraha bulshada ayaa lagu dhaliilay natiijada:

“20 G/A oo dheeraad ah, 723 cod ka yar kan guuleystaha.”

“Salah booskiisa afraad ayaa wax walba kaaga filan Ballon d’Or.”

“Salah 657 cod iyo Vitinha 703? Abaalmarintan waa majaajilo.”

Natiijada rasmiga ah:

  1. Ousmane Dembélé – 1,380
  2. Lamine Yamal – 1,059
  3. Vitinha – 703
  4. Mohamed Salah – 657

. Raphinha – 620

  1. Achraf Hakimi – 484
  2. Kylian Mbappé – 378
  3. Cole Palmer – 211
  4. Gianluigi Donnarumma – 172
  5. Nuno Mendes – 171