Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in dalkiisa aanay wax qorshe ah ka lahayn inuu weeraro dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ama NATO balse wuxuu digniin adag ka bixiyey inay jawaab ka bixinayaan gardarrada
Wuxuu bixiyey digniin isagoo sheegay in “jawaab adag ay ka bixinayaan gardaro kasta oo ku wajahan Moscow.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu Sabtidii ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayuu Lavrov ku sheegay in hanjabaadaha ka dhanka ah Ruushka ee dalalka reer galbeedka ay noqonayaan kuwo si guud u soo kordhaya
Lavrowm wuxuu sidoo kale, dhaleeceeyay Israa’iil, isagoo sheegay in inkasta oo Ruushku cambaareeyay weeraradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023, haddana aanay jirin “wax cudur daar ah” oo loo heli karo “dilka arxan darrada ah” ee Falastiiniyiinta Qasa ama qorshaha lagu doonayo in lagula wareego Daanta Galbeed.
Ugu yaraan 65,926 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee maamusho, halka qiyaastii 1,200 oo qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay weerarradii 7-dii Oktoobar.
Wuxuu cambaareeyay gardarrada Israa’iil ay ku hayso dalalka kale ee Bariga Dhexe, taasoo halis ku ah sida uu sheegay guud ahaan in gobolka qarxiso.
Israa’iil ayaa u isticmaashay howlgalkeeda inay ku dabar jarto Xamaas si ay u sababeyso duqeymo cirka ah oo ay ka fulisay dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay ka mid tahay Qadar.
Arrinta Iran, Lavrov ayaa ku eedeeyay quwadaha reer Galbeedka inay wiiqayaan dedaallada diblomaasiyadeed, kadib markii ay fashilantay dedaal daqiiqadihii ugu dambeeyay oo uu hoggaaminayay Ruushka iyo Shiinaha si dib loogu dhigo cunaqabateyn la qorsheeyay in dib loo saaro Jimcihii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay tahay sharci-darro Cunaqabatayntan ayaa dhaqan gashay saqdii dhexe ee axadii
Isagoo ka hadlayay xiisadaha ka taagan Yurub, Lavrov wuxuu yidhi: “Hanjabaado xoog leh oo ka dhan ah Ruushka, oo lagu eedeeyay inay si dhab ah u qorsheeyeen weerar ka dhan ah Isbaheysiga Nato iyo Midowga Yurub, ayaa sii kordhaya. Madaxweyne Putin ayaa si isdaba joog ah u beeniyay daandaansigaas.
“Ruushka waligii ma lahayn mana laha ujeedo caynkaas ah, laakiin gardaro kasta oo ka dhan ah dalkayga waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag.”ayuu yidhi Lavrov.
Moscow ayaa lsk fogaysay mas’uuliyadda diyaarado aan duuliye lahayn oo ay ka hadashay Denmark,oo ay sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu dul heehaabiyey garoomadooda. Danmark lafteedu waxay sheegtay in dhacdooyinkani ay u muuqdeen kuwo uu sameeyay “jilaa xirfadle ah” laakiin ma jirto wax caddaynaya in Ruushku ku lug lahaa.
Dhinaca kale, Estonia ayaa ku eedeysay Ruushka inuu ku xadgudbay hawadooda isagoo adeegsanaya diyaarado dagaal, halka hawlgal difaaca cirka ah oo ay fulisay NATO dhawaan lagu sameeyay Poland, taasoo qayb ka ahayd jawaab mideysan oo ka dhan ah soo gelitaanka diayaradaha an duuliyaha lahayn ee Ruushka ee hawada Poland.






















