Madaxweyne taageeray Falastiin oo Maraykanku Fiisaha kala Noqday

0
85

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay fiisaha kala noqon doonto madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro oo dalkaasi u tagay ka qayb galka meertada 80-aad ee shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayey ku sheegeen Maraykanku inay u qaadayaan ka dib markii madaxweyne Gustavo uu New York kaga qeyb galay isku soo bax lagu taageeryo Falastiin isagoo hadalo halkaas uu ka jeediyey ay ka mid ahaayeen in uu “ku booriyay askarta Mareykanka in ay diidaan amarka madaxweyne Donald Trump.

“Waxaan kala noqon doonaa fiisaha Petro sababtoo ah taxadar la’aantiisa iyo ficiladiisa kicinta leh,” ayaa lagu yidhi qoraal ay waaxda arrimaha dibadda Maraykanku ku shaacisay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter.

Madaxweyne Petto, ayaa hadal u jeediyey bannaan baxayaal taageersan Falastiin oo isugu soo baxay afafka hore ee xarunta Qaramada Midoobey ee ku taalla Mvcanhattan isagoo ku baaqay in la sameeyo xoog ciidan caalami ah oo mudnaanta la siiyo xoreynta Falastiiniyiinta, isagoo intaas ku daray, “Xooggan waa inuu ka weyn yahay kii Mareykanka.”

Petro, ayaa bartiisa bulshada ku baahiyay muuqaal isaga oo Jimcihii dadweyne badan la hadlaya isaga oo adeegsanaya cod-baahiye yar oo uu gacanta ku haysto, wuxuuna khudbaddiisa ku jeedinayay luquada Isbaanishka.

“Taasi waa sababta aan halkan New York, aan waydiisanayo dhammaan askarta Maraykanka in aanay qoryahooda u jeedin bani’aadamka,” ayuu yidhi. ” aanaya u hoggaamsamin amarka Trump! Raac amarka bini’aadannimada!”

Petro ayaa intaas ku daray: “Sida ay u dhacday Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waxaan rabaa in da’ yarta — wiilasha iyo gabdhaha, shaqaalaha iyo beeralayda, labadaba Israa’iil iyo Mareykanka — ay qoryahooda u jeediyaan maaha Bani’aadannimada, balse dhanka dulmiga iyo fashistayaasha.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa si kulul u dhaleeceysay hadalkaas, iyadoo sheegtay”in uu ku booriyay askarta Mareykanka in ay diidaan awaamiirta, ayna kiciyaan rabshado.

Wasaaraddu waxay barteeda bulshada soo dhigtay in kala noqoshada dal-ku-galkiisa ay sabab u tahay ficilladiisa aan ka fiirsasho lahayn ee hurinta ah.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Colombia ayaa bartiisa X, ku qoray habeenimadii jimcaha in fiisaha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay ahayd in la joojiyo halkii laga joojin lahaa tan Petro.

“Laakiin maadaama boqortooyadu isaga ilaaliso, waxay ku xad-gudbayaan madaxweynaha kaliya ee awoodda inuu u sheego runta” ayuu yidhi

Xidhiidhka u dhexeeya Petro – oo hogaaminaya dawladii garabka bidix ee ugu horeysay ee Colombia – iyo maamulka Trump ayaa sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay.

Hoggaamiyaha Colombia ayaa khudbadiisii uu ka jeediyey Qaramada Midoobay waxaa si adag ugu hadlay duqaymaha Maraykanku ku bartilmameedsaday doomo daroogo sida, isaga oo ku dooday in  aanay ku saabsanayn xakameynta ka ganacsiga daroogada balse ay u adeegaan baahida loo qabo in loo adeegsado “rabshado lagu maamulo Colombia iyo Latin America”.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadka ay duqeymaha dileen ay ka soo jeedi karaan Colombia, oo ah dalka ugu weyn ee soo saara kokaynta adduunka, wuxuuna ku eedeeyay mas’uuliyiinta Mareykanka inay la shaqeeyaan kooxaha daroogada, halka dowladdiisu ay beeralayda ku dhiirrigelinaysay inay ka waantoobaan beerashada Kookiinta.

Petro wuxuu duqeymaha cirka ku tilmaamay “ficil dulmi ah” mar uu wareysi siinayay BBC-da.

Washington waxay ku doodeysaa in falalkaasi ay qayb ka yihiin hawlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah daroogada oo ka socda xeebaha Venezuela, taasoo ay ku eedeyso madaxweynha dalkaasi inuu maamulo koox ka ganacsata daroogada.

Mareykanka ayaa sidoo kale u diiday fiisaha Maxamuud Cabbaas, madaxweynaha Falastiin iyo 80 sarkaal oo Falastiiniyiin ah, taasoo ka hor istaagtay ka qeyb galka shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay