Qisada Imaam Axmed Iyo Tuugii Xabsiga!

0
83

Imaam Axmad bin Xanbal waxa la xidhay intii lagu gudo jiray Fitnadii “Abuurkii Qur’aanka kariimka ah”, dhibaatadaas oo uu bilaabay khaliifkii Cabbaasiyiinta Al-Mamuun, kaasi oo qaatay caqiidada Muctazilida ee ah abuurista Qur’aanka. Imaam Axmad wuxuu diiday fikradda ah abuurista quraanka, isagoo cadeeyay inuu QUraanku yahay Qawlkii Allah. Taasi waxay keentay in la dhibaateeyo, la jidh dilo, xabsigana loo taxaabo sannado badan oo ay xukumayeen Al-Mamuun.

Imaam Axmed bin Xambal ayaa la xidhay  xabsi uu la jireen dambiilayaal kale. Waxaana ka mid ahaa nimanka xabsiga ku jiray tuug caan ahaa. Tuuggan wuxuu xushmad weyn u hayey Imaam Axmed, waana uuu naxariisan jiray xilliga dhibaatada lagu hayey.

Marar badan ayuu si qarsoodi ah uga soo gelin jiray raashin fiican oo banaanka laga keenay. Maalin ayuu ninka tuugada u xidhani arkay Imaam Axmed oo jidhkiisu dhaawac yahay, kana muuqato raadkii jirdh dilka lagu sameeyey.

Tuuggii wuu usoo dhowaaday Imaamka, waxaana uu si hoose ugu yidhi:

“Waa lagu jirdh dilaa, so maaha ?  Laakiin ogow, aniga inta badan waa la jidh dilaasi aan u qirto alaabta aan xaday, balse marna maan qiran. Waan samara,  anigoo haddana anigoo tuugo baadil ah sameeyay, waxaan muujiyay geesinimo!
Ee adigu maxaad yeeli doontaa adigoo weliba xaq ku sugan?!
Iska jir yaa Sheekhow, ha daciifin! Waa in dadka xaqa ku taagan aanay ka daciifsanaan dadka baadilka ku taagan.”

Weedha tuugga ayaa qalbiga taabtay Imaam Axmed, wuxuuna bilaabay inuu hadba marka uu ku daciifo ciqaabta, xasuusto ereyadaas, xaqana ku adkaysto. Sannado badan ayuu dulmiga u adkaystay, ilaa uu noqday sida buurta oo kale.

Dawladdii ciqaabka waday waa ay burburtay, waxaana joogsaday fitnadii, dhiig daadintii way istaagtay. Ugu dambeyn, Imaam Axmed waa la sii daayey.

Markii uu ka baxay xabsiga Imaam Axmed, muddo ayuu gurigiisa ku nastay si uu uga bogsado dhaawacyadii. Markaas ka dib ayuu xasuustay tuuggii saaxiibka ku noqdeen Jeelka, waxa uu waydiiyey dadkii meel uu ku dambeeyey. Waxaana loo sheegay inuu dhintay.

Imaamkii wuu tegay qabrigiisii, waana uu booqday, oo u duceeyey. Habeen kale ayuu ku arkay riyo, ninkii tuugga ahaa oo ku jira jannada!

Wuxuu waydiiyey: “Maxay sababta aad Jannada ku gashay jannada?”

Tuuggii wuxuu ugu jawaabay: “Ilaahay wuu iga toobad aqbalay ka dib markii aan kugu waaniyey inaad dulqaadato oo aad u samirto cibaadada Ilaahay iyo u adkaysiga xaqa.”

Xaqa ha ka baqin, xitaa haddii aad keligaa tahay. Samirka iyo adkeysiga xaqu waxa ay keeni karaan guul weyn iyo darajo sare.  Xitaa qof dambiila ahi wuxu u noqon karaa sabab kheyr ah haddii uu dhiirrigelin bixiyo.