Xiddiga Keliya Ee Chelsea Ka Tegay Ee Ku Fashilmay Man United

0
70

Halyeeygii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa qirtay inuu si weyn ula yaabay dhibaatada uu Mason Mount kala kulmay Manchester United, kadib markii uu ka soo tegay Chelsea oo uu ka ahaa xiddig muhiim ah.

 

Mount, oo kasoo baxay akadeemiyada Blues, waxaa fursad weyn siiyay Frank Lampard, wuxuuna qeyb weyn ku lahaa guushii Champions League ee Chelsea ee 2021 iyadoo uu hogaaminayay Thomas Tuchel.

 

Laakiin tan iyo markii uu £60m ugu biiray Man United xagaagii 2023, xiddiga xulka England ayaa ku dhibtooday inuu saameyn yeesho, isagoo inta badan dhaawacyo la daalaa dhacayay.

 

Merson ayaa hadalkan ku sheegay podcast-ka The Good, The Bad & The Football, isagoo tilmaamay in Mount aannu weli ka muuqan Old Trafford:

 

“Ma fahmi karaan taariikhda kooxdaas (United). Waxay ugu biiraan lacag iyo magac. Anigu waxaan ahay taageere Chelsea, Mount wuxuu ahaa ciyaaryahan aan caadi ahayn, cajiib buu noo ahaa! Laakiin wuxuu tagay Man United, laba kulan oo fiican ayuu sameeyay labo xilli ciyaareed gudahood, xitaa caafimaad ahaan ma aheyn mid fadhiya.”

 

Inkasta oo uu ku dhibtooday, tababare Ruben Amorim ayaa weli ku adkaysanaya inuu ciyaarsiiyo Mount, isagoo shan kulan ka ciyaaray lixdii kulan ee Premier League ee xilli ciyaareedkan.

 

Mount ayaa bedel ahaan ku soo galay guuldarradii 3-1 ee Brentford ku xasuuqday United Sabtidii.