Hugo Ekitike Oo Sharaxay Sababtii Uu U Diiday Man United Una Doortay Liverpool.

0
90

Weeraryahanka reer France Hugo Ekitike ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu u doortay Liverpool, inkasta oo kooxo waaweyn oo ay ku jiraan Manchester United iyo Newcastle United ay isku dayeen inay afduubtaan saxeexiisa daqiiqadihii ugu dambeeyay.

 

Bishii July 2025, Ekitike ayaa dhammeystiray heshiis £69 milyan ah oo uu uga soo wareegay Eintracht Frankfurt isagoo ku biiray Liverpool.

 

Xilli ciyaareedkii hore wuxuu dhaliyay 22 gool dhammaan tartamada, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah weeraryahannada loogu baahida badan yahay suuqa.

 

Chelsea ayaa la xidhiidhtay bilowgii suuqa, halka United iyo Newcastle ay dalabyo soo gudbiyeen saacadihii ugu dambeeyay.

 

Sababta uu Liverpool u doortay Ekitike, waxa u uku sheegay in go’aankiisa uu ku saleysan yahay taariikhda iyo awoodda kooxda “Liverpool waa kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League, waxay heystaan ciyaartoy waaweyn iyo taariikh weyn.

 

Waxaan u maleynayaa inay ahayd doorashadii ugu wanaagsaneyd ee aan sameeyo, waana sababta aan u doortay Liverpool – waxay ahayd xulashadii ugu fiicneyd, anigana waxaan doonayay inaan imaado.”

 

Weeraryahanka ayaa sidoo kale ammaanay tababare Arne Slot, isagoo ku tilmaamay mid door weyn ku lahaa go’aankiisa.

 

Liverpool ayaa si degdeg ah u dhammeystirtay saxeexa Ekitike, waxaana muuqata in go’aanka weeraryahanku aannu kaliya ku saleysneyn lacag ama dalabyo kale, balse uu doortay mustaqbal, horyaal iyo taariikh.