Daalibaan oo Joojisay adeegga internetka

0
83

Khalkhal ba’an ayaa ka jira guud ahaan Afgaanistaan, maalin kadib markii maamulka Daaliban ay xidheen internetka. Adeegga taleefoonnada gacanta ayaa hawada ka maqan, duulimaadyo badan ayaa la joojiyay, ganacsiguna waxa uu la daalaa dhacayaa sidii ay u shaqayn lahaayeen.

Daalibaan may bixin sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan xidhitaanka internetka. Balse horraantii bishan, mas’uul ka tirsan gobolka uu arrintan ka billaabmay ayaa sheegay in mamnuuciddan uu amray hoggaamiyaha sare si loo xakameeyo waxa uu ugu yeedhay “xumaanta”.