Kaddib heshiiskii difaaca ee ay wada gaadheen Pakistan iyo Sacuudi Carabiya, waxa taagan dood ballaadhan oo ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo gobolka iyo danaha siyaasadda caalamiga ah.
Pakistan iyo Sacuudi Carabiya waxaa ka dhaxeeya Heshiiska Difaaca Wadajirka iyo Istiraatiijiyadda ee loo yaqaanno (SMIDA) kaas oo ay qayb ka yihiin iskaashi dhanka difaaca iyo amniga ah. Sida ku cad heshiiskan, weerar lagu qaado mid ka mid ah labada dal waxaa loo arki doonaa gardarro ka dhan ah labadaba.
Sida ay sheegayaan dadka arrimahan falanqeeya, ku dhawaaqista heshiiskan difaaca wadajirka ah ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa dhalisay walaac sababo dhowr ah awgood.
Qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa aamminsan in heshiiskan istiraatiijiga ahi uu horseedi karo isbeddello waaweyn oo gobolka ah islamarkaana uu saameyn ku yeelan karo danaha Israa’iil iyo wadammada gobolka.
Falanqeeyayaal badan ayaa qaba in tani ay tahay tallaabadii ugu horreysay ee difaac oo weyn oo ay qaado dawlad Khaliij ku taalla tan iyo weerarkii Israa’iil ku qaaday Qadar 9-kii Sebtembar.
Sida ay sheegayaan khubaradu, weerarrada Israa’iil ayaa kordhiyay cabsi ka dhex jirta waddamada Khaliijka.






















