Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn oo hor leh oo lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka qaranka. Furitaanka rasmiga ah ee Machadka Xog-ururinta iyo Tababarka Xanuunnada aan la kala qaadin iyo booqashada wafdiga ka socda Taiwan ee qiimeeyay adeegyada cisbitaalka guud ee Burco, labaduba waa muujin cad oo ah in Somaliland ay si dhab ah u qaaday waddadii dhismaha nidaam caafimaad oo casri ah, xog ogaal ah, waxtarna leh.
Machadkii Ugu Horreeyay ee ka Hawlgala Xanuunnada aan la kala Qaadin (NCDs)
Machadka cusub ee laga furay magaalada Burco, oo ay iska kaashadeen Jaamacadda Burco iyo Jaamacadda Wavehalton, waxa uu noqonayaa xaruntii ugu horreysay ee si gaar ah uga shaqaysa xog-ururinta, cilmi-baadhista iyo tababarka la xidhiidha xanuunnada aan faafin, kuwaas oo si isa soo taraysa u saameynaya bulshada Somaliland. Xanuunno sida dhiig karka, Macaanka, Wadne xanuunka iyo Kansarka ayaa noqday caqabado caafimaad oo joogto ah oo u baahan waayo-aragnimo, xog, iyo qorshe midaysan.
Daah-furka furitaankan oo uu si rasmi ah u sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa ah talaabo cilmiyeed oo muhiim u ah go’aan qaadashada iyo siyaasadda caafimaadka ee mustaqbalka. Xog la isku halleyn karo oo lagu ogaanayo heerarka xanuunnada ayaa lagama maarmaan u ah qorshaynta adeegyo caafimaad oo la jaanqaadaya baahida dhabta ah ee bulshada.
Qiimeyn Xog-ogaal ah oo Lagu Sameeyay Cisbitaalka Guud ee Burco
Dhinaca kale, Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Cisbitaalka Burco, Dr. Abokor Weli Bigile, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday Taiwan, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in ay qiimeyn buuxda ku sameeyaan baahiyaha degdegga ah ee waaxyaha ICU-da, Qalliinka (OT) iyo adeegyada Gargaarka Degdegga ah. Booqashadan waxa ay qayb ka tahay mashruuca muhiimka ah ee Public Health Emergency Response Enhancement, oo dowladda Taiwan ay ka taageerto Somaliland, si loo xoojiyo waaxyaha u nugul culeyska degdegga ah ee caafimaadka.
Qiimeynta noocan ah waxay fure u tahay in cisbitaalka la gaadhsiiyo heerar adeeg oo sare, lagana jawaabo baahiyaha dhabta ah ee ka jira gudaha xarumaha caafimaad. Waa tallaabo muujinaysa isbeddel ku wajahan adeeg caafimaad oo badbaado leh, tayo sare leh, isla markaana dhakhso u gaadhaya dadka ugu nugul ee u baahan.
Iskaashi Istaraatiji ah: Somaliland iyo Taiwan
Labadan dhacdo waxay iftiiminayaan mid ka mid ah iskaashiyada ugu midho-dhalka badan ee ay Somaliland la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, kaas oo ah xidhiidhka ay Somalialnd la leedahay Taiwan. Iskaashigani maaha mid ku koobban qalab ama deeqo oo keliya, balse waa mid istiraatiji ah oo taabanaya cilmi, xog, xirfad iyo dhisidda hay’adaha caafimaad ee waara. Waa iskaashi ku salaysan horumar joogto ah oo si toos ah u gaadha bulshada.
Falanqaynta wargeyska Dawan waxay si gaar ah u bogaadinaysaa doorka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, hay’adaha caafimaadka, jaamacadaha iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageeraya kobcinta adeegyada caafimaad. Waa in la sii xoojiyo iskaashigan si loo gaadho bulsho caafimaad qabta oo leh adeegyo casri ah, shaqaale caafimaad oo tababaran, oo leh xog iyo qorshe ku saleysan baahi dhab ah.
Gunaanad:
Tallaabadan muhiimka ah oo lagu dhisayo adeegyo caafimaad oo leh mustaqbalka ifaya, iyada oo la rajaynayo in Machadka cusub uu noqdo il cilmiyeed oo qaran, isla markaana la jaanqaado isbeddellada caafimaadka ee caalamka. Sidoo kale, in taageerada Taiwan ay horseeddo isbeddel muuqda oo ku yimaadda tayada adeegyada degdegga ah ee cisbitaallada dalka.
Dawladda Taiwan ayaa Somaliland ka taageeraysa mashaariic caafimaad oo aad u ballaadhan, mashaariicdaasi oo uu ka mid yahay mashruuca Kobcinta Jawaabta Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (Public Health Emergency Response Enhancement), kaas oo ay ujeedadiisu tahay in la xoojiyo awoodaha caafimaadka degdegga ah (emergency health services) ee Somaliland, gaar ahaan tayeynta adeegyada ICU, qalliinka, iyo bukaannada xaaladaha degdegga ah.
Mashruucan waxa maalgelisay dawladda Taiwan oo Somaliland la leh iskaashi horumarineed oo xoogan, kaas oo ay si wada jir ah u fulinayaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo hay’adda Taiwan International Cooperation and Development Fund (TaiwanICDF), oo is-kaashanaya.
Mashruucani wuxuu muujinayaa sida iskaashiga caafimaad ee caalamiga ah uu gacan uga geysan karo tayeynta adeegyada dalka, gaar ahaan marka la eego xaaladaha degdegga ah oo saameyn weyn ku leh nolosha bulshada.

























