Wasiirka Dawladaha Hoose ee JSL iyo Masuulka ugu Sareeya Qaramada Midoobay ee Somaliland oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Wada-shaqeynta

0
80

Qormada labaad ee barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa, kulan muhiim ah oo wasiirka wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan muhiim ah la qaatey masuulka ugu sarreeya Hay`adda Qaramada Midoobay ee Somaliland, kaas oo aad loogu gorfeeyay wada shaqaynta wasaaradda iyo Hay`adaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha, ayaa  kulan muhiim ah la qaatay masuulka ugu sarreeya Hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland, Mudane Tedle M. Damte, oo sidoo kale ah Madaxa Hay’adda UNICEF ee Somaliland.

Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha maamulka daadejinta, horumarinta magaalooyinka, iyo kor u qaadista adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka.

Wasiir Xasan Macalin ayaa warbixin ballaadhan siiyey wefdiga ka socday Qaramada Midoobey, isagoo faahfaahiyey doorka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu ka qaadato horumarinta dalka, gaar ahaan:

  • Dardargelinta maamulka daadejinta
  • Horumarinta magaalooyinka iyo degmooyinka
  • Kobcinta tayada shaqaalaha dawladaha hoose
  • Xoojinta isku xidhka Xukuumadda Dhexe iyo dawladaha hoose
  • Bixinta tababarro joogto ah oo lagu dhisayo awoodda maamulka hoose

Ugu dambayn, kulankaas ayaa kusoo dhammaaday isfaham buuxa iyo ballanqaad ah in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac, lagana wada shaqeeyo mashaariicda horumarineed iyo hirgelinta qorshayaasha maamulka daadejinta.

Dhanka kale, Mr. Tedle M. Damte oo kulanka ku wehlinayey Mudane Mustafe M. Khayre, ayaa uga mahadnaqay Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda sida diirran ee loo soo dhaweeyey iyo wada shaqaynta miro dhalka leh ee ay labada dhinac leeyihiin.