Xaramka iyo masaajidka ugu weyn adduunka ee ku yaalla magaalada barakeysan ee Maka, wuxuu sanad kasta qaabilaa Muslimiinta xujeyda ah oo gaadheysa in ka badan 4 milyan oo qof, waxaana lagu qiyaasaa in dhismaha Xaramka la geliyay lacag gaadheysa $ 100 bilyan oo doolar.
Waxaana kharashkan inta badan uu ku baxay agabka nashqadeynta iyo dayactirka Xaramka xilli uu isbeddalayo dhaqaalaha adduunka.
Waxaa sanad-ba sanadka ka dambeysa sii kordha dadka u soo xajinaya taas oo qasabta in markasta ballaadhin lagu smaeeyo.






















