Putin oo digniin culus u Diray Mareykanka

0
84

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii ka digay in gantaalada Tomahawk ee Mareykanka la geeyo Ukraine ay horseedi doonto “heer gardarro cusub”, iyo sidoo kale inay dhaawacdo xidhiidhka Ruushka iyo Mareykanka.

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Sochi, Putin ayaa sheegay in tani aanay waxba ka bedelin xaaladda jiidaha hore ee dagaalka, halkaasoo Ruushka uu ku gaarayo horumaro, inkastoo uu ku socdo xawaare gaabis ah.

“Isticmaalka gantaalada Tomahawk iyada oo aanay joogin ciidamada Mareykanka waa wax aan macquul aheyn, tani waxay horseedi doontaa heer cusub oo gardarro ah, iyo sidoo kale xidhidhka Ruushka iyo Mareykanka oo xumaada,” ayuu yidhi Putin.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in xitaa haddii gantaallada Tomahawk ay waxyeello u geystaan ​​Ruushka haddii la geeyo Ukraine, difaaca hawada Ruushku uu si degdeg ah uga jawaabi doono khatarta cusub.