“Riyaddii Rumowday”

0
141

Barnaamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo aynu ku soo qaadano macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.

Barnaamikeena maanta waxaynu diirada ku saari doonaa qormo aynu ugu magacdarnay (Riyadii Rumawday) oo aynu kaga warami doono marka marnaamij horumarineed oo ay ku xeernaayeen caqabado dhaqan, kuwo siyaasi iyo kuwo aqoon la,aaneed laysku dayo sidii looga midho dhalin lahaa dhamaan caqabadaha aynu soo sheegnayna looga guulaysan lahaa.

Marka la doonayo in la abuuro mashruuc horumarineed si ay dad iyo duunyoba uga faa’iidaystaan waxa lagama-maarmaan ah in la dajiyo qorshe ay aqoon, waayo aragnimo iyo maskax saliim ahi hagayso si loo gaadho yoolka loo baahan yahay loogana fogaado, kharash, tacab iyo dadaal muddo socday inay  noqaan Biyo Col-dhaanshay ugu dambayna aan farta dhexda laga qaniino.

Tan iyo markii xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdieaxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga oo uu hogaaminayo wasiiir Cumar shacayb waxay xadhkaha u xidhatay sidii loo yarayn lahaa cuno yarida dhinaca xalafka xoolaha ee haysata xoolaheena oo ah laf-dhabarka dalka isla markaana ah isha dhaqaale ee ugu muhiisan guud Ahaana ah waxa kaliya ama ugu dabadan ee ay dibada aynu u dhoofino.

Mashruuca Banka Aroori, waa halka maanta marnaamijkeenu daaran yahay waana deegaan daaqsimeed aad u balaadhan kuna yaal Gobolka Togdheer, xukuumada Somalilland oo ay wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu wakiil uga tahay daryeelka xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxay halkaasi ka hirgalisay  mashruucii ugu balaadhnaa ee ka jawaabaya baahida Calafka xoolaha oo ay barbar socdaan Biyo iyo daryeelka caafimaadka xoolaha, kaasi oo noqonaya seerihii ugu balaadhnaa ee la fuliyo 34 sano oo ay Somaliland jirtay.

”Waxaanu ka nimid Shimbiraale, waxanu soo soconay 7 geedi, meeshii aanu ka nimid waxay ahayd haraad iyo cunto la,aan, Barwaaqo sooran ayaanu soo galay”sidaasi waxa yidhi Jaamac Ismaaciil Cabdi oo ah Oday waayeel ah Banka Aroorina keenay Geeliisa, waxanu kawaramay waxa uu geelisu kala kulmay Mashruuca calafka xoolaha ee Aroori taasi oo noqonaysa baahiyaha uu ka jawaabay kadib markii qorshe iyo go,aan qaadasho ku dhisan Cilmi-baadhis hore loo sameeyay midhaha laga dhaxlay oo noqday kugu ugu dambayn laga gaadhay u jeedadii lagag lahaa.

Mar kale waxa ka hadlaysa wixii ay kala kulantay mashruuca Calafka xoolaha ee Banka Aroori Haweenay ka mid xoola dhaqatada deegaanka oo halkaasi keentay xoolaheeda ”dalkii ayaanu joognaa, maanu guurin, seerihii aanu markii hore islahayn wataa intii xoolihii daaqayeen laydinka xidhay, imiga waxaanu ogaanay inay faa’iido noo tartay oo dadkii meelihii fogaa ee ay xoolaha la qabanayeen kaga furteen, waa lagu reeyey, Biyaa lahaystaa, Qurdub ayaa lahaystaa xoolihiina waa ay ku reeyeen” ayaa ay tidhi Hooyo xoolo dhaqato ah oo si dareen leh ugu hadashay waxa ay xoolaheedu kala kulmeen Banka Aroori oo ah Riyada guulaysatay.

Somaliland waxay ka mid tahay wadamada kuyaal Geeska Africa ee dibada u dhoofiya xoolaha ugu badan Sida uu wasiirka xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Somaliland sheegayo, waxa kale oo uu wasiir Cumar Shucayb intaasi ku daray in xoolaheenu ay yihiin qaar miisaankoodu yahay mid aad u hooseeya  taasina ay keentay inaanay Xoolaha Somaliland helin ama aan loo soo saarin Calaf xoolaad oo ku filan, balse xukuumada Somaliland ayaa haatan u muuqata mid ka shaqaynaysa sidii xoolaha dalku u helilahaayeen calaf xoolaad oo ku filan misana ay ula tartami lahaayeen xoolaha geeska Africa.

Mashruuca Daaqa iyo Climi-baadhista loogu magac daray ee Banka Aroori ayaa waxa aan Meesha ka madhnayn hirgalinta Ceel biyoodyo halkaasi laga hirgaliyey kaasi oo ay fulisay wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland oo wada shaqayn dhinaca biyaha ah ay lee yihiin wasaaradda Xanaanada xoolaha oo ah hagaha daryeelka xoolaha iyo soosaarka noocyada Calafka Xoolaha.

Qodista, hirgalinta iyo Biyo soosaarista in Banka Aroori laga dhex sameeyo Ceel-biyoodyo ayaa mashruuca ka dhigaysa mid dhamays tiran oo xoolaha Banka daaqaya marka ay ku haraadaan Cawska meel dhaw biyaha laga soo waraabi kadibna xoolihii oo Cokan dib ay ugu soo laabtaan Daaqa.

Diyaarinta kayd Calaf xoolaad waa mid ka mid ah u heedooyinkii ugu waa weynaa ee laga lahaa ujeedada loo xidhay Banka Aroori kaasi oo laga hirgaliyey Hangar wayn oo ay lagu kaydiyey noocyada calafka xoolaha oo tayo sare leh

Banka Aroori waxa kale oo lagu diyaariyey koox dhakhaatiir ah bartayna mihnada Xaafimaadka, daryeelka iyo daawaynta xanuuna kala duwan ee ku dhaca Xoolaha, kooxdan ayaa loo diyaariyey sidii ay u sugi lahaayeen badqabka iyo caafimaadka xoolaha, waxana loo diyaariyey Gaadiidka gurmadka deg dega ah oo ay dheer tahay dhamaan  qalab iyo dawo kasta oo ay u baahan yihiin Dhakhaatiirtu si waajibaadka shaqo loo igmaday ay u gutaan si hufan oo hagar la,aan.

Dalkasta oo dunida ku yaala waxa uu horumariyaa waxa uu qaniga ku yahay, sidaasi si la mid ah Somaliland ayaa hadda cagta saartay una jihaysatay sidii loo horumarin lahaa xoolaha nool looguna soo saari lahaa calafka xoolaha oo ku filan xoolaheena taasi oo lagaga fogaanayo cunno yaraanta soo noq noqota ee ay xoolaheenu waajahaan wakhtiyada abaaraha ama jilaalka.

Gabogabada Qormadeena

Barnaamijka Dhaqashada Xoolaha ee qormadiisu ahayd “Riyaddii Rumowday” waxa uu iftiimiyey mashruuca Banka Aroori oo noqday mid dhab ahaantii wax ka qabtay caqabadihii waaweynaa ee xoolo-dhaqatada haystay, sida cuno iyo biyo yari.

Hirgelinta qorshe cilmi-baadhis ku dhisan, diyaarinta calaf iyo daaq joogto ah, ceel-biyoodyo, iyo adeegyo caafimaad oo xoolaha loogu talagalay ayaa ka dhigay mashruuca mid guuleystay.

Mashruucan waxa uu horseeday in xoolo-dhaqatadu helaan nafis dhab ah, xooluhuna ku nastaan, iyadoo bulshaduna ka faa’iidaysatay fursad ay kaga baxaan haraad iyo daal joogta ah. Sidaas darteed, Banka Aroori waxa uu noqday riyo dhabowday oo tusaale fiican u ah sida qorshe iyo go’aan adag oo cilmi ku dhisan loogu beddeli karo caqabado guul waarta.