Kulankii u dhexeeyay Real Madrid iyo Villarreal ayaa lagu arkay dhacdo gaar ah oo ka timid xiddiga reer France Kylian Mbappe, kaas oo muujiyay tixgelin iyo kalsooni uu u hayo saaxiibkiisa reer Brazil Vinicius Junior, sida uu qoray wargeyska Isbaanishka ah ee Sport.
Wargeysku wuxuu sheegay in imaatinka Mbappe ee Real Madrid xilli-ciyaareedkii hore uu beddelay isku dheelitirka kooxda, maadaama Vinicius horey u ahaa xiddiga ugu saameynta badan weerarka. Balse imaanshaha Mbappe ayaa tababare Carlo Ancelotti ku adkeeyay sida uu labadooda ugu wada ciyaarsiin lahaa, maadaama labaduba ay jecel yihiin inay ka ciyaaraan garabka bidix.
Sport ayaa intaas ku dartay in xilli-ciyaareedkii hore uu hoos u dhacay qaab ciyaareedkii Vinicius, halka Mbappe uu noqday xudunta weerarka kooxda. Hase yeeshee, tan iyo markii uu xilka la wareegay Xabi Alonso, oo adeegsada nidaamka wareejinta ciyaartoyda, Vinicius ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa.
Intii lagu jiray kulankii Villarreal, Vinicius ayaa soo ifbaxay isagoo dhaliyay laba gool midkoodna wuxuu ka dhashay rigoore uu u daayay Mbappe si uu isagu u dhaliyo, taas oo loo arkay calaamad saaxiibtinimo iyo ixtiraam.