Trump oo ku Amray Israa’iil Kadib Markii Xamaas Aqbashay Qayb ka Mid ah Heshiiska Nabada

0
115

wahaab Daahir Xasan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku amray Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso duqeymaha magaalada Qaza, kadib markii kooxda Xamaas ay ogolaatay qaybo ka mid ah heshiiska nabadeed ee uu soo jeediyay Trump. Si kastaba ha ahaatee, qaraxyo ayaa weli laga maqlay Qaza maalintii Sabti, iyadoo Axadii shalay ay ku meegnayd dhaqangalka heshiisa taasi ayaa loo arkaa calaamad muujinaysa in colaadu weli socoto.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu hirgeliyo “wajiga koowaad” ee qorshaha Trump, kaas oo diiradda saaraya sii deynta la haystayaasha.

Xamaas ayaa dhankeeda ku dhawaaqday inay ogolaatay qodobo muhiim ah oo ka mid ah hindisaha nabadda, oo ay ku jiraan sii deynta la haystayaasha Israa’iil “kuwa nool iyo kuwa dhintayba”, iyo in maamulka Qaza lagu wareejiyo hay’ad Falastiini ah oo madaxbannaan.

Geesta kale Xamaas ayaan si cad uga jawaabin qodobbada la xidhiidh hubka dhigista iyo in aanay mar dambe door ku yeelan doonin maamulka Qaza arrimo muhiim u ah Israa’iil iyo Maraykanka. Waxaa weli su’aal ka taagan tahay in Trump uu ogolaan doono gorgortan cusub oo ku saabsan qodobadaas.

Hoggaamiyeyaasha caalamka, oo ay ka mid yihiin Antonio Guterres (QM), Erdogan (Turkey), Macron (Faransiis), Meloni (Talyaani), Carney (Canada), iyo Starmer (UK), ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada Xamaas, iyagoo ku tilmaamay “fursad taariikhi ah” oo lagu soo afjari karo colaadda Qaza.

Gabagabadii, Qadar ayaa taageertay dadaalka Trump ee lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah iyo sii deynta la haystayaasha, iyadoo dalalka Reer Galbeedka iyo Carabta ay ballanqaadeen inay sii wadaan taageeradooda nabadeed ee gobolka.