Puntland oo Taageertay Madax-Bannaanida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland

0
115

Somaliland iyo Puntland oo kala saxeexday heshiis istaraatiiji ah oo dib-u-qaabaynaya mustaqbalka Geeska Afrika

 Xidhiidhka Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland: Tallaabo taariikhi ah oo lagu dhisayo amniga mandaqada

 “Puntland oo taageetay gogosha nabadeed ee Madaxwaynaha Somaliland uu dhigay magaaladda Ceerigaabo”

Qore Axmed M. Saleebaan

Nairobi (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiisyo istaraatiiji ah, isla markaana muhiimad weyn u leh horumarka mandaqada, kuwaa oo si toos ah u taabanaya xoojinta iskaashiga amniga, iskaashiga badda, horumarinta dhaqaalaha, isu socodka bulshada, iyo dhismaha kaabayaal dhaqaale. Sidoo kale labada dhinac ayaa si rasmi ah u muujiyay in ay diyaar u yihiin in ay iska kaashadaan masaalixda gaar ahaaneed ee labada dhinac wadaagaan.

Masuuliyiin ka kala socday labada dhinac oo ay ka mid ahaayeen wasiirro, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga iyo wakiillo sar sare, ayaa shir laba maalmood socday ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo lagu go’aamiyey in la xoojiyo wadashaqeynta labada dhinac iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee dowliga ah. Shirkaas ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhiga ah ee soo maray mandaqada isla markaana ah mid dib u qaabaynaya mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, shirkan taariikhiga ah ee magaalada Nairobi ku dhexmaray masuuliyiinta Puntland iyo Somaliland, waxa uu calaamad u yahay bisayl siyaasadeed oo heer gobol ah iyo ballan-qaad dhab ah oo ku wajahan nabad, wada-shaqayn iyo iskaashi horumarineed, iyada oo labada dhinac ay muujiyeen bisayl-siyaasadeed oo aan hore loogu arag, kaas oo si dhab ah u saamaynaya xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Dawladda Puntland ayaa si cad oo qoto dheer u muujisay taageeradeeda buuxda iyo ixtiraamka ay u hayso madax-bannaanida dowladnimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aqoonsatay xaqa ay Somaliland u leedahay aayo ka tashigeeda. Sidoo kale, Puntland waxay si kal iyo laab ah u bogaadisay horumarka muuqda ee Somaliland ka gaadhay dhismaha dawladnimada casriga ah iyo hannaanka dimuqraadiyadda, taasoo ah tallaabo muhiim u ah xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Arrintan ayaa ah dhacdo siyaasadeed oo miisaan weyn leh, isla markaana ah fure nabadeed oo ku dhisan is-ixtiraam, wadaninimo iyo dan-wadaag goboleed.

Somaliland ayaa dhinaceeda ku ammaanaysaa Puntland xasilinta deegaankeeda, dadaallada nabadeed, horumarka muuqda, iyo guulaha muhiimka ah ee ay ka gaadhay la-dagaalanka argagixisada. Sidoo kale, Somaliland waxay bogaadisay hirgelinta nidaamka dowliga ah ee ay Puntland ka hirgelisay deegaannadeeda, taasoo ah tusaale cad oo muujinaya adkeysi iyo hogaamin wanaagsan.

Shirkaas waxa laga soo saaray war-murtiyeed xambaarsan heshiiska qodobo istataariiji ah oo wax weyn ka taraya xoojinta amniga, goboca dhaqalaale iyo horumarka gobolka Geeska Afrika, warmurtiyeedkaasi oo dhammaystiranina waxa uu u qornaa sidan:- Masuuliyiin ka kala socda Puntland iyo Dowladda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Saraakiil hay’adaha amniga labada dhinac iyo wakiilo sar sarre ayaa shir ku yeeshay 4 – 5 October 2025 Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Shirka oo ahaa mid taariikhi ah ayaa masuuliyiinta labada dhinac uga wada hadleen guud ahaan xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska, gaar ahaanna masaaliixda sida gaarka ah uga dhexeeya labada dhinac. Shirku wuxuu boggaadiyey wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan hay’adaha aminga iyo is-dhaafsigii maxaabiista.

Somaliland waxay ku ammaanaysaa Puntland nabadda, horumarka iyo guulaha ay ka soo hoysay la-dagaalanka argagixisada. Sidoo kale waxa ay ku boggaadinaysaa taabbagelinta nidaamka dowliga ah ee ay ka hirgalisay deegaannada Puntland.

Puntland waxay dhinaceeda soo dhaweyneysaa horumarka ay Somaliland ka gaadhay Dowladnimada iyo xaqa ay u leedahay aaya katashigeeda.

Shirka waxaa ka soo baxay:

  1. Iskaashiga arrimaha amniga

1) La dagaalanka Argagixisada

  1. a) Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay si wadajir ah isaga kaashadaan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, Daacish iyo cidkasta oo ficilo argagixiso ka fulisa xuduudaha labada dhinac

2) Iskaashiga amniga badda (Maritime Security Cooperation)

  1. a) Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan la dagaalanka dambiyada ka dhaca biyaha badda, gaar ahaan biyaha badaha hoos yimaada masuuliyadda amni ee labada dhinac.

3) Iskaashiga hay’adaha amniga ee ladagaalanka dambiyada abaabulan

  1. a) Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay sidhow isaga kaashadaan ka hortagga iyo ka- dabatagga dambiyada abaabulan ee wax u dhimaya danaha amni iyo dhaqaale ee labada dhinac.
  2. Nabadeynta Bulshada

Labada dhinac ayaa isku waafaqay muhiimadda ay leedahay in nabad kama dambeys ah lagu soo afjaro colaaddii ka dhacday Magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, isla markaasna ay dadkii ka barakacay si nabad iyo kalsooni leh ugu soo laabtaan guryahooda.

Sidaa darteed:

  1. a) Shirku wuxuu boggaadiyey gogosha nabadda ee uu dhigay Madaxweynaha Somaliland, waxaana dadka deegaanka loogu baaqay in ay si buuxda uga wada qayb galaan.
  2. b) Sidoo kale, shirku wuxuu boggaadiyey kaalinta mugga leh ee ay Puntland ka qaadanayso qabsoomidda gogosha nabadda ee Magaalada Ceerigaabo.
  3. Xoojinta Ganacsiga iyo isu socodka Bulshada
  4. a) Labada dhinac waxay is la qireen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isu socodka bulshada iyo ganacsiga labada dhinac.
  5. b) Waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay hirgalinta kaabayaal dhaqaale oo isku xidha labda dhinac
  6. Siyaasadeynta Maamulka Hawada
  7. a) Shirku wuxuu cambaareynayaa, kana soo horjeedaa siyaasadeynta iyo ku xad gudubka badqabka duulimaadyada rayidka ah iyo isticmaalka hawada.

Gunaanad

  1. Masuuliyiinta labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo wada shaqeynta iyo kulamada wadatashiga ah ee quseeya danaha labada dhinac.
  2. Shirku wuxuu soo dhaweynayaa cidkasta oo jecel nabadda iyo horumarka, rabtana in ay ka qaybqaadato daddaalada nabadda ee gobolka.
  3. Shirku wuxuu boggaadinayaa daddaalada Beesha Caalamka ee taageerada nabadda, la dagaalanka ururrada Argagixisada iyo horumarinta dhaqaalaha Gobolka, labada dhinacna waxay diyaar u yihiin in ay wada shaqeyn midho dhal ah kala yeeshaan Beesha Caalamka.”