Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, oo si weyn u xoojisay wacyigelinta caafimaadka iyo adeegyada ay bulshadu ka helaan xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.
Wasaaraddu waxay dadaal ku bixisay sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa fariimaha caafimaadka, loona kordhin lahaa aqoonta dadka ka shaqeeya wacyigelinta, si bulshada loogu dhiirrigeliyo daryeelka caafimaadkooda.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan qaybta Wacyigelinta, ayaa si rasmi ah u soo qabanqaabisay tababar ballaadhan oo wacyigelin ah, kaas oo lagu qabtay magaalada Berbera, islamarkaana ay ka faa’iideysteen 100 wacyigeliye heer degmo ah.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in la xoojiyo aqoonta, xirfadda iyo kartida wacyigeliyeyaasha bulshada, si ay si hufan oo waxtarle u gaadhsiiyaan bulshada fariimaha caafimaad.
Waxa kale oo tababarku kor u qaaday fahamka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa bulshada iyo hay’adaha caafimaadka, iyadoo la doonayo in wacyigelintu noqoto mid si toos ah u saamaysa nolosha dadweynaha.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ku dardar-gelinayso kor u qaadista caafimaadka bulshada, iyadoo diiradda saarayso shaqaalaha heerarka hoose ee bulshada, kuwaas oo laf-dhabar u ah gaadhsiinta adeegyada caafimaadka meel kasta oo dalka ah.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqay in tababarrada noocan ahi ay horseed u yihiin in la dhiso bulsho feejigan oo aqoon u leh badbaadinta caafimaadkooda, taas oo yareyn karta cudurrada la iska ilaalin karo
Isuduwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Awdal, Dr. Muuse Axmed Aadan, ayaa furay tababar kale oo socon doona muddo saddex cisho ah, kaas oo lagu baranayo daryeelka caafimaad ee hooyada iyo ilmaha, gaar ahaan caruurta aan sidkoodu buuxsamin (underweight/malnourished children).
Furitaanka tababarkan waxaa ku wehelinayay Dr. Sahal Axmed Xuseen Oomane, Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Boorama, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee Gobolka, iyo masuuliyiin ka socday UNICEF.
Tababarkani waxa uu muhiim u yahay sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo daryeel caafimaad oo tayo leh oo la gaadhsiiyo hooyada iyo ilmaha u baahan taageero gaar ah.
Sidoo kale, isla Qaybta Wacyigelinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa magaalada Burco kuqabatay tababar la mid ah kii ka qabsoomay Berbera, iyadoo ay ka faa’iideysteen 100 wacyigeliye heer degmo ah.
Tababarkan ayaa lagu xoojiyay xirfadaha isgaadhsiinta, fahamka bulsho, iyo gudbinta fariimaha caafimaad, si loo abuuro isfaham iyo wada-shaqeyn ballaadhan oo dhexmarta bulshada iyo bahda caafimaadka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), oo ay ka mid yihiin xubno ka socda xafiiska WHO ee Bariga Mediterranean (EMRO).
Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay sida loo xoojin karo tayada adeegyada tallaalka ee dalka, loona kordhin karo taageerada farsamo iyo qorsheynta si dhammaan carruurta Somaliland u helaan tallaalka muhiimka ah.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax ayaa sheegtay in Cisbitaalka degmada Ceerigaabo uu leeyahay shaybaadhka ugu casrisan dalka, taasoo ay ku tilmaantay guul weyn oo la taaban karo.
Sidoo kale, Marwo Samsam waxay balanqaaday in wasaaraddu si degdeg ah uga jawaabi doonto baahiyaha caafimaad ee cisbitaalka, iyadoo xustay in mudnaanta la siin doono Ogsajiinta iyo Kaydka dhiigga .
Wasiirku waxa ay u kuurgashay xaalada cisbitaalka maanka ee magaalada Ceerigaabo, iyada oo warbixin ka dhageysatay masuuliyiinta cisbitaalka.
Waxa ay la kulantay maamulka iyo shaqaalaha xarumahaas, waxayna xustay in Wasaaraddu ka go’an tahay xoojinta adeegyada caafimaadka ee gobollada fog, gaar ahaan agabka, nafaqada, iyo tababarka shaqaalaha.
Isla bishan, Wasaaraddu waxay si isku mar ah tababaro wacyigelin caafimaad uga qabatay Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Berbera, waxaana ka faa’iidaystay 530 wacyigeliye heer degmo ah.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee tababarradan ayaa ahaa, kor u qaadista awoodda wacyigeliyaasha., yareynta cudurrada laga hortegi karo, isku xidhnaanta bulshada iyo adeegyada caafimaadka, xoojinta fahamka bulshada ee nadaafadda, tallaalka, nafaqada iyo badbaadada guud.
Wasaaradda, iyadoo kaashanaysa WHO, UNICEF iyo WFP, ayaa si rasmi ah u daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Hagaha Maareynta Nafaqo-darrada Ba’an (IMAM).
Shirkaasi oo soconaya muddo saddex cisho ah ayaa lagu doonayaa in lagu mideeyo nidaamyada daaweynta nafaqada ee dalka, lana jaanqaado hagayaasha WHO.
Waxa ka qaybgalay masuuliyiin heer qaran, hay’ado caalami ah, jaamacado iyo khubaro nafaqo oo caalami ah.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si dhow ula shaqaynaysa dalalka Sweden iyo Taiwan, iyada oo lagu ballanqaaday in laga taageero, dhismaha xarumaha caafimaad, tayeynta qalabka caafimaadka, kor u qaadista aqoonta iyo tababarrada shaqaalaha, taageeridda nidaamka Health Information System (HIS).
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay sii wadaysaa dadaalka ay ugu jirto in bulshadeedu hesho adeeg caafimaad oo casri ah, tayo leh, hufan oo gaadha dhammaan gobollada dalka. Iskaashiga hay’adaha gudaha iyo caalamkuba wuxuu door weyn ka ciyaarayaa xaqiijinta yoolkaas.
Nuxurka Fariinta Barnaamijkan : ayaa ah in wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, xoojisay dadaallada wacyigelinta caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee bulshada.
Waxay tababbarro ka qabatay magaalooyin badan oo dalka ah (Berbera, Burco, Boorama, Ceerigaabo, Hargeysa), iyadoo 530 wacyigeliye la siiyey aqoon iyo xirfado lagu gaadhsiinayo bulshada fariimaha caafimaad.
Wasaaraddu waxay sidoo kale xoogga saartay daryeelka hooyada iyo ilmaha, la dagaallanka nafaqo-darrada, tayeynta adeegyada tallaalka, iyo xoojinta caafimaadka gobollada fog.
Waxaa la xoojiyey iskaashiga hay’adaha caalamiga ah sida WHO, UNICEF, WFP, iyo dalalka Sweden iyo Taiwan, si loo gaadho adeeg caafimaad tayo leh oo gaadha dhammaan dadka reer Somaliland.
Ujeeddada ugu weyn waa in la helo bulsho caafimaad qabta, feejigan, oo wacyi leh.

























