Xavi Alonso Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Laga Dirayo Real Madrid Suuqa Janaayo

0
103

Warbixino ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha reer Spain Xabi Alonso uu aqoonsaday liiska ciyaartoyda aan qaybta ka noqonayn qorshihiisa kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo dib-u-dhis ah oo kooxda lagu sameynayo.

Sida uu qoray bogga Fichajes, Alonso ayaa maamulka kooxda ee uu hoggaamiyo Florentino Pérez u gudbiyay dhowr magac oo aannu mustaqbalka ku tiirsanaan doonin. Kuwaas waxaa ugu horreeya Ferland Mendy iyo David Alaba, kuwaas oo kaalintooda kooxda si weyn hoos ugu dhacday sababo la xidhiidha dhaawacyo joogto ah iyo isku-dheellitirnaan la’aan qaab ciyaareed.

Isla warbixinta ayaa tilmaamtay in liiska la qorsheynayo in laga diro kooxda ay sidoo kale ku jiraan Raúl Asensio, kaas oo lumiyay booskiisii koowaad kadib markii uu si kooban u iftiimay xilli ciyaareedkii hore, iyo Brahim Díaz, oo la sheegay inaannu ku habboonayn nidaamka farsamo ee uu Alonso adeegsado.

Sidoo kale, weeraryahanka da’da yar ee reer Brazil Endrick ayaa lagu soo daray liiska sababtoo ah fursadaha yar ee uu helay xilli ciyaareedkan, iyadoo tartanka ka jira weerarka kooxda uu aad u adag yahay — taas oo keeni karta in amaah lagu diro si uu waayo-aragnimo u helo.

Warbixintu waxay xaqiijisay in maamulka Real Madrid uu tixgelinayo in qaar ka mid ah ciyaartoydan si rasmi ah loo iibiyo halka qaar kalena amaah lagu diro, si loo yareeyo mushaharka kooxda isla markaana loo furo boosaska saxiixyada cusub ee taageeraya mashruuca isbeddelka ee uu wado Alonso.

Waxay u muuqataa in kooxda boqortooyada ay ku wajahan tahay cusboonaysiin dhammaystiran suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, iyadoo diiradda lagu saarayo ciyaartoy da’yar oo waafaqsan aragtida tababaraha cusub.