Somaliland oo Xoojisay Hawl-galada Ilaalinta Kheyraadka Badda

0
99

 

Saylac (Dawan)- Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sallel ayaa todobaadkan gacanta ku soo dhigay kalluumaysato si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha galbeedka Somaliland. Tani waa tallaabo muujinaysa dadaalka sii kordhaya ee lagu ilaalinayo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan khayraadka badda, iyada oo si joogto ah looga ilaalinayo halis uga timaadda kalluumaysiga aan xeerka waafaqsanayn.

Xeebaha Somaliland waxay hodan ku yihiin noocyada kala duwan ee kalluunka iyo khayraad kale oo badeed, kuwaas oo haddii si waafaqsan sharciga loo maamulo noqon kara laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada xeebaha ku nool iyo guud ahaan dalka. Si kastaba ha ahaatee, kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah maraakiibta ajaanibta ah, waxa uu khatar gelinayaa jiritaanka khayraadkaeena.

Soo qabashada kalluumaysatada si sharci-darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha galbeedka Somaliland, waa guul la taaban karo oo mudan in si weyn loo bogaadiyo. Tani maaha oo kaliya hawlgal sharciyeed oo guuleystay, balse waa tusaale dhab ah oo muujinaya sida ay u bislaatay kartida iyo diyaar garowga ciidamada ilaalinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxay sidoo kale astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee ay xukuumaddu ku bixisay xoojinta awoodda hay’adaha ammaanka badda, iyada oo si joogto ah u siisay agab casri ah, tababbaro xirfadeed, iyo taageero dhaqaale. Taageeradaas ayaa suurto gelisay in ciidamadaasi u gutaan waajibaadkooda si waxtar leh, isla markaana ay si hufan u ilaaliyaan khayraadka dabiiciga ah ee qaranka.

Haddaba, tallaabadan waxay diraysaa fariin cad oo ah in Somaliland ay ka go’an tahay ilaalinta baddeeda iyo khayraadkeeda, iyadoo aan laga leexanayn cid kasta oo isku dayda inay si sharci-darro ah uga faa’iidaysato. Waxay sidoo kale dhiirrigelinaysaa muhiimadda ay leedahay la socodka joogtada ah, wadashaqeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka, iyo in la sii kordhiyo awoodda farsamo iyo midda maamul ee ciidamada badda.

Ugu dambayn, guushan waxay ku timid dadaal wadajir ah oo u baahan in si joogto ah loo taageero, lana ballaadhiyo. Ilaalinta xeebaha iyo baddeena waa masuuliyad qaran, waana in ay noqotaa arrin mudnaanta koowaad leh.