0
109

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Wada-jir iyo Waxqabad ayaa si rasmi ah u bilawday hirglinta iyo fulinta wejigii hore ee ballanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ahaa in Ciidanka Qaranka Somaliland iyo qoysaskooda loo dhisi doono guryo ay degaan. taasoo ka tarjumaysa go’aanka dowladda ee ku aaddan daryeelka iyo horumarinta nolosha ciidanka..

Mashruucan oo wejigiisi koobaad si toos ah uga hirgalay magaalada Gabiley, ayaa ah dhacdo taariikhi ah oo ka tarjumaysa sida ay xukuumaddu mudnaan gaar ah u siisay daryeelka iyo horumarinta nolosha ciidamada , kuwaas oo ah laf-dhabarta amniga iyo difaaca qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley, Maxamed Cabdillaahi Jaamac (Bookh), iyo Duqa degmada Gabiley, Cabdirashiid Xasan Haybe, ayaa si wadajir ah ugu wareejiyey Ciidanka Qaranka dhul cabbirkiisu yahay 12 baloog (oo u dhigma 120 baloodh), si halkaas loogu dhiso guryo rasmi ah oo ay degaan qoysaska ciidamada qaranka JSL.

Tallaabadan waxay caddeyn u tahay in ballanqaadyadii Madaxweynaha JSL ee xiligii ololaha doorashadu uu hadda isu beddelay ficil wax-ku-ool ah. Waxa kale oo ay tusaale u tahay hirgelinta qorsheyaal dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha ciidanka, kuwaas oo ah tiir-dhexaadka jiritaanka dawladnimo iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Hirgelinta mashruucani waxay calaamad u tahay dardargelinta waxqabadka xukuumadda cusub, iyo sida ay u mudnaan gaar ah u siinayso in adeegyada aasaasiga ah la gaadhsiiyo ciidamada qaranka oo ah naftood-hurayaasha u taagan difaaca qaranka. Waxaa sidoo kale si muuqata looga dheehan karaa mas’uuliyad siyaasadeed iyo ujeeddo qaran oo dhab ah oo salka ku haysa sida daacadnimada ah ee ay xukuumaddu u fulinayso ballanqaadyadii ololaha ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ballanqaadkaas waxa lagu fuliyey qorsheyaal ku saleysan go’aan adag, wada-shaqayn muuqata iyo hawlgal qorsheysan. Tani waxay muujinaysaa in hadalka iyo ficilka Xukuumadda Madaxweyne Cirro ay yihiin kuwo is-waafaqsan, taasoo shacabka u abuuraysa kalsooni iyo rajo ku aaddan mustaqbalka dalka.

Wejigan koowaad ee mashruuca guryeynta ciidamada ayaa la filayaa inuu dhiirrigelin u noqdo in gobollada kale ee dalka, isla markaana maamulka degmooyinka dalku ay hirgeliyaan tallaabooyin tan la mid ah, iyaga oo diyaarinaya dhulkii iyo qorsheyaashii looga baahnaa, si dhammaan ciidamada Qaranka u helaan deegaan ammaan ah, nolol deggan, iyo mustaqbal la hubo.

Guryaha loo dhisayo ciidanka Qaranku waa kuwo lagama-maarmaan u ah tayeynta noloshooda, taasoo si toos ah u saameysa niyadda, xasiloonida, iyo hufnaanta ay shaqadooda u gutaan. Ciidamo haysta nolol deggan iyo daryeel bulsho waa tiir-dhexaad amni, waana halbeeg lagu cabbiro biseylka dowladnimo ee dal kasta. Sidaa darteed xukuumadda Somaliland waxay tallaabadan kaga jawaabaysaa baahida dhabta ah ee ciidamada, iyada oo ku abaalmarinaysa dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadda iyo qaranimada.

Munaasabadda wareejinta dhulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo hoggaanka dhismaha ciidamada, taasoo muujinaysa muhiimadda iyo miisaanka arrintani u leedahay ciidamada iyo guud ahaan qaranka.

Ugu dambayn, hirgelinta wejiga koowaad ee mashruuca guryeynta Ciidanka Qaranka ee ka bilaabmay Gabiley, waxay u dhigan tahay tallaabo taariikhi ah oo ka turjumaysa hufnaan hoggaamineed, mas’uuliyad qaran, iyo daacadnimo siyaasadeed. Waa fulinta ballanqaad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), u sameeyey shacabka, taasoo haatan noqotay xaqiiqo la taaban karo.

Tani maaha oo keliya abaalmarin ciidan, balse waa dhismaha tiirarka dowladnimo casri ah oo ku dhisan kalsooni, daryeel, iyo isla-xisaabtan. Waa farriin muuqata oo iba tusaysa in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso ilaalinta xuquuqda iyo nolosha naftood-hurayaasha, kuwaas oo u taagan difaaca qaranka maalin kasta.