Qawaaniinta dunida ka jirta aya kala duwan oo kala adag kuwas oo qaarkood aan laba rumaysan karin inay jiraan, laakiin haddana marka xukuummaduhu soo saaraan waxa khasab ku ah dadka inay sharcigaasi raacaan.
Dalka Papua New Guinean ayuu ku yaallal koonfurta badaweynta pacific ayuu ka jira sharci ah in ninka guursada gabadh da’deedu ka yar tahay 18 sano, mar kasta oo ay u dhasho ilmo la ganaaxayo lacag dhan $ 500 , taasi oo ah lacag ku dhacaysa khasnadda dawladda.
Dalka Maraykankana Sanadkii 2011 ayaa maxkamda ku taalla ay ku xukuntay lix bilood oo xadhig ahnin lagu magacaabo Clifton William ka dib markii uu cod dheer oo hamaansi ah maxkamadda ku dhex sameeyay iyadoo xaakimkii ku dhowaaqayo xukunkii. ( Majaltu Sayidati).

























