Guddoomiyaha UCID Oo Mar Kale Isbar-bar Taagay Dawladda Soomaaliya, Kuna Baaqay Hindise Uu ku Badhi Furayo Qaddiyadda Somaliland

0
449

Saaxdheer (DAWAN)  Dagaal oogaha hawd meerka ah ee   Cali khaliif Galaydh  ayaa  si rasmi ah u iclaamiyey  dagaal qadhaadh oo uu sheegay in ay  kooxdiisu ku qaadayso dawlada Somaliland.
Mr Galaydh waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu jeediyey  kulan  uu shakhsi ahaan isugu caleemo saarayey Madaxweynenimada Maamul ku sheegiisii bur buray ee Khaatumo, kaas oo uu khamiistii  ku qabsaday Tuuladda Saaxdheer ee Gobalka Sool. Waxaanu intaas raaciyey  in kooxdiisu  in ay xiligan diyaar u tahay wax uu ku tilmaamay dagaal ballaadhan oo ay la gasho dawlada Somaliland, oo uu sheegay in ay ka bixi weyday dalkoodii.
 
“Arrinta xoraynta haddii aan ka waramo  waxaa noo qorshaysan in aanu Somaliland la galno dagaal balaadhan, maadaama ay diideen inay dalkayaga nooga baxaan, hadal kale oo meesha yaallaana ma jiro ee ha loo diyaar garoobo dagaalkaas balaadhan,” Ayuu yidhi Qab-qable dagaal Cali  Gallaydh.
Sidoo kalena Gallaydh waxa uu fariin cad  oo han-jabaad ah u diray dawlada Federaalka ah ee dalka Soomaaliya, taas oo uu ku amray in ay si deg deg ah u aqoonsato Maamul ku sheegiisa dhalanteedka ah ee Khaatumo, isla markaana ugu taageerto dagaalka uu iclaamiyey ee Somaliland ka dhanka ah. Isaga oo isla mar ahaantaana ku hanjabay haddii ay dawlada Soomaaliya yeeli weydo baaqaas, si cadna u taageeri weydo  maamul ku sheegiisa Khaatumo,   oo uu ku tilmaamaya cida keliya ee ilaalinaysa midnimadii Soomaaliyeed, ay taasi keeni doonto in ay iyaguna faraha ka qaadaan midnimadaas iyo in ay danahooda ka tashadaan.
Geesta kalena  Mr. Galaydh waxa uu sheegay  dagaalka ay Somaliland la gelayaan in uu garab socon doono wada-hadal nabadgelyo iyo deris wanaag ku saabsan, oo  ay kooxdiisu la yeelanayso  maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Balse waxa uu tilmaamay in aanay sinaba ula hadli doonin dawladda Somaliland.
Isaga oo arrimahaas ka hadlayana Galaydh waxa uu yidhi “Dagaalka aanu Somaliland la gelayno waxaa bar bar socon doona wada-hadal nabad-gelyo iyo deris wanaag ku saabsan oo aanu la yeelanayno Maamulka Puntland oo aanu nahay laba maamul oo siman, balse  suurto gal ma aha in aanu sinaba wada-hadal ula yeelano Maamulka Somaliland.”
Hadaaqan Cali Galaydh ayaa maamul ku sheegan uu khamiistii la wareegay hindisay saddex sanadood ka hor, si uu ugu qadhaabto danihiisa gaarka ah, isla markaana uu kula gorgortamo dawladda Soomaaliya inay u dhiibto mansab weyn maadaama oo uu yahay Horjoogaha maamul sida uu qabo daacad u ah midnimadda Soomaaliya. Waxa kale oo uu doonayaa inuu dabka saaro dhalinyaro uu khalday si ay u joojiyaan hawlaha shiidaal baadhista ee ka socda goboladda bariga qaarkood oo uu shirkadaha  ajanabiga ah  doonayo inuu u soo xidho shaadh ay ku siiyaan laaluush dhaqaale, taasi oo ah wax aan u suurto geli Karin.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply