“Deegaannada Ceelaayo Iyo Laas-Qoray Ayaa La Siiyay Qalabkan Kalluumaysiga” Wasiirka Kalluumaysiga

0
890

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Iskashatooyina Laas-qoray, Kuwaas oo sheegay in ay wasaaraddu musuq-maasuqday qalab kalluumaysi oo loogu talo galay.
Waxa uu sheegay wasiirku in qalabkaas gobolladii iyo degmooyinkii loogu talo galay la geeyey, waxaanu masuuliyiintaas ku tilmaamay qaar weji ku macaash ah.
Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Cali Jaamac Buureed oo marka hore ka hadlaya qalabka kalluumaysiga ee lagu edeeyey wasaaraddiisa ayaa waxa
uu yidhi, “Qalabkan la leeyahay wasaarada Kaluumaysiga ayaa musuq-maasuqday,habayaraatee waxba kama jiraan,Niman ayaa magaca laas-qoray iska sheegtay oo yidhi iskaashato ayaanu nahay,waxa iskaashato ahna anagu manaan arag,Raga waxaas oo been ahna sameeyey waxa weeyaan Ragii abaabulayay Shir ay doonayeen in ay nabada gobolada bari ku mija xaabiyaan,Kolay waxan yar ee aanu qaybinay waxa wadanka wada gaadhaya maaha ee hadii aanu degaan walba badh siinay,Maaha in layidhaa wasaarada Kalluumaysigu way musuq-maasuqday.
wasiirku kaluumaysiga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Agaasimaha maamulka ee halkan jooga ayaa qaybiyay dagma walba iyo gobol kasta intii loo dirayay Gaadhsiiyay,Degaanka Ceelaayo iyo Laas-qoray ayaa lasiiyay Qalabkan kaluumaysiga labadaas Meloodna Waa lasiiyay,Taasna waxa ay kusoo beegmatay isuduwihii gobolka oo la
badlay,waxaana Qalabkaas loogu dhiibay Odoyaal ka mid ah iskaashatada labadaas gobol,Qalab dhexdayada ka baxayna majiraan.
 
Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay inuu talaabo adag ka qaadi doono Masuuliyiintaas Sheegay in ay wasaaradu Musuq-Maasuqday Qalabkii kaluumaysatada waxaana uu yidhi”
“Xubnahaas waxa yar ayaa laga yaqaan,kuwaasina waxa ay jogaan meelaas ceerigaabo iyo gobolada kale,Markaas kolay Talaabada Aanu ka qaadayno halkan ka sheegi mayno,lakiin anag ayaa idin la soo socod Siin doona,Waxaanann odhan lahayuun Beenta iyo boro bogaadada joojiya.
 
Sidoo kale waxa uu faah-faahin ka bixiyay Kormeer uu kusoo maray Gobolada bariga somaliland, Waxaana uu sheegay inuu Dadka dagan Degmooyinkaas ay lasoo darseen Duruufo badan oo uu indhihiisa kusoo arkay waxaana uu yidhi,
‘Kormeerka aanu ku tagnay Gobolada bari,waxa uu ahaa safar aanu ugu kuur galaynay Xaalada ay ku sugan tahay Kaluumaysatada somalilnad,waxaanad ogaydeen inuu isa madaxwaynaha somaliland Safar kusoo maray ilaa laas-qoray,waxaana uu madaxwayne siilaanyo indhihiisa kusoo arkay Xaaladu halka ay Marayso iyo Duruufaha ka taagan Gobolada bariga somaliland,Imikana waxa la galayaa xiligii bad furanka oo Kaluumaysatadu badaha kusoo noqonaysay,waxaana loo baahan yahay In la caawiyo Tababar faro badan Wasaaradu diyaar ayay ula tahay waanay siin doontaa.”.

Leave a Reply